13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Golaha Maxaakiimta oo bilaabay Wada Hadallo hoose oo aaney cidna ku kala dhex jirin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayay warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in ay kulan hoose ku yeesheen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo la soo weriyay in ay halkaasi kaga wada hadleen sidii loo de-dejin lahaa in heshiis iyo is-afgarad uu dhexmaro dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta.

 

Kulankaas ayay wararku sheegayaan in uu goob joog ka ahaa  Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo arrimaha dibadda u qaabilsan golaha Maxaakiimta, halka ay Guddoomiyaha Baarlamaanka ku wehliyeen Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ah Wasiirad ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan lagu magacaabo Af-dhuub.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Shiikh Shariif ay ka wada hadleen sidii ay labada dhinac isu dhaafsan lahaayeen booqashooyin ay ku kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo ay warar ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ay sheegayaan suurtagalnimada in Ramadaanka kadib uu booqasho ku tago Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay haatan ku sugan yihiin in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Golahiisa Baarlamaanka.

 

Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sidoo kale sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka uu todobaadka dambe u amba bixi doono dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo uu gudashada Waajibaadka Cimrada ka sokow la sheegay in uu kula kulmi doono Shiikh Xasan Daahir Aweys Guddoomiyaha Golaha Shuurada oo Khamiistii gaaray Magaalada Jidda.

 

Kulamadan hoose  ee ay yeelanayaan Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo Madaxda Golaha Maxaakiimta ayaa todobaadkii hore ka bilowday magaalada Dubai, halkaasi oo kulankii ugu horeeyay ay ku wada yeesheen Shariif Xasan iyo Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo Dubai tegay maalin kadib markii uu wareejiyay xilkii uu ka hayay Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa laga yaabaa in uu rajo hor leh geliyo dadaalkii diblumaasiyadeed ee ay Jaamacadda Carabta ka dhex waday qeybaha isku haya Talada dalka Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn in ay Jaamacadda Carabta lug ku leedahay is-aragyadan hoose ee dhexmaraya mas’uuliyiinta labada dhinac, waxaase jira warar aynu ka helnay xubno ku dhow dhow guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegaya in uu dhawaantan u amba bixi doono magaalada Qaahira ee xarunta u ah Jaamacadda Carabta iyo Dalka Masar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).