13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadda Islaamiga Beledweyne oo Ciidamo xoog leh dhigtay Deegaanka Kala-Beyr kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku soo dhawaadeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 05, 2006(HOL): Tan iyo markii dhawaan dagaal qaraar uu ku dhax maray Deegaanka Kala-Beyr ee Gobolka Hiiraan Ciidamada Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan iyo kuwa ka amar qaata Xildhibaan Ing. Max’ed Xuseen Caddow,  xaaladu ma aheyn mid degan.

 

Laakiin waxaa ay arintu cirka isku sii shareertay kadib markii sida la sheegay Ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay qarxiyaan  Miinooyin ay geliyeen Ciidamada maxkamadda Islaamiga Gobolka Aaga Kala-Beyr, kuwaasoo dadka deegaanka si weyn uga Arga-gixiyay.

 

Intaas kadib waxaa bilowaday dhaq-dhaqaaq Ciidan oo labada dhinac ah, gaar ahaan dhinaca Maxkamadda oo iyadu Ciidamo xoog leh dhigtay deegaanka Kala-Beyr.  Shabakadda wararka HOL oo booqatay  kadib dhaq-dhaqaaqan ka soo cusboonaaday deegaanka Kala-Beyr ayaa u suurta gashay in ay dhamaanba soo mar marto goobaha Ciidamadu isku hor-fadhiyaan, waxaana xaalku u eg yahay weli mid dagaal, maadaama ay dhinac ka soo wada jeedaan ciidamadii ka tegay Deegaanka Jawiil  iyo weliba kuwo daacad u ah  maamulkii talada Gobolka lagala wareegay oo kaashanaya ciidamo ka amar qaata Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe,  halka dhinaca Maxkamadduna ay u muuqato mid foojignaantaas qabta.

 

Ciidamada la dhigay Deegaanka Kala-Beyr oo ah kuwii u xooga badnaa oo hal meel laysugu geeyo ayaa waxaa cabsi badan ka muujinaya dadka Reer Miyiga ah ee ku nool dhulka xiisaddu ka jirto, kuwaasoo u arka dagaal mar kale dhaca mid aan iyaga u wanaag-saneyn.

 

Qaar ka mid ah horjoogayaasha Ciidamada halkaas ku sugan oo ka hadlay sida ay u arkaan dhaq-dhaqaaqa soo cusboonaaday ayaa waxaa ay sheegayaan uu yahay mid ay gadaal ka taagan tahay Dowladda Itoobiya oo ay ku eedeeynayaan in aysan raali ka aheyn kacdoonka Islaamiga ah ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay intaas ku darayaan in ay mar walba difaaci doonaan waxa rabitaanka shacabku yahay.

 

Waa wax markiiba la filan karo marka mas’uul maxkamadaha ka tirsan aad weydiiso sida uu u arko dhaq-dhaqaaq iyaga ka dhan ah in uu carrabka ku adkeeyo Dowladda Itoobiya, laakiin haddana iyadoo ay taas jirto ayaa la oran karaa faragelinta la sheego in dowladdda Itoobiya ay ku heyso Dalka Soomaaliya waa mid ugu yaraan jirta madaama ciidamadeedu marar badan ay soo galeen gudaha Dalka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, cid kasta oo lagu eedeeyo in ay ka dambeyso xaalka ka taagan wali deegaanaka Kala-Beyr, waxaa hubaal ah in xaaladdu aysan ahayn mid la isku haleyn karo, isla markaana ay halkaas mar walba dhibaato ka dhici karto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).