Dowladda Federaalka oo laga yaabo in ay isu bedesho mid dibad-joog ah
Axad, October 01, 2006(HOL): Waxaa dhawaanahan aad u sii xoogeysanayay saameynta ay Maxkamadaha Islaamigu ku yeelanayaan gacan ku heynta inta badan deegaanada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna haatan Maxkamadaha Islaamigu deris kala soo noqdeen dowladda Federaalka labo dhinac, halkii ay horay Xuduudooda ka ahyad dhinaca Degmada Buur-hakaba.
Mar haddii ay Maxkamaduhu gacanta ku dhigeen gobolka Jubada Dhexe oo dhinaca Koofureed xuduud la leh gobolka Bay, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kalena uu jiro dhaqdhaqaaq kale oo ay maxkamaduhu ka wadaan gobolka Gedo ayaa marka la eego sawirka arrintan wuxuu muujinayaa in ay Baydhabo noqon karto Jaziirad yar oo ay ku hareereysan yihiin Maxkamadaha Islaamka.
Baydhabo qudheeda ayay wararku sheegayaan in ay maxkamadaha Islaamigu kula jiraan gacan aan muuqan marka la eego sida ay halkaasi uga dhacayaan banaanbaxyo ka soo horjeeda qorshaha Dowladda Federaalka ee keenista Ciidamda Shisheeye iyo weliba howlgallada ay Booliska Dowladda Federaalka ku soo qabqabanayaan Wadaado ay la xiriirinayaan dhinaca Maxkamadaha Islaamiga, walow ay sheegeen in ay qaarkood ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen qaraxii 18-kii bishii hore lala beegsaday
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Dowladda Federaalka ayaa bilowday in ay u qeylo dhaansato beesha caalamka, gaar ahaan dalalka deriska, si ay ugu soo diraan ciidamo badbaadiya, iyadoo ay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka niyad-jab weyn ka muujinayaan sida ay Midowga Afrika ugala soo daaheen ballanqaadkoodii ahaa in bishii dhamaatay loo soo diro ciidamo ammaankooda suga, iyadoo aaney sidoo kale soo muuqan rajadoodii ahayd in ay Qaramada Midoobay ka qaadeyso cunaqabateynta Hubka, isla markaana ogolaato keenista ciidamada ka socda Midowga Afrika, waxayna guud ahaan arrimahani gelin karaan dowladda Federaalka xaalad cusub oo ah in ay noqdaan xubnaheeda kuwo dibad-joog ah, iyadoo ay sii badanayaan fasaxyada ay xubnaha Dowladda qaadanayaan, si ay uga tagaan magaalada Baydhabo.
Dowladda Federaalka oo ay haatan caalamka u aqoonsan yihiin in ay tahay mid aad u tabar-daran ayaa Mustaqbalkeeda ku xiran yahay in ay hesho gurmad weyn oo caalami ah oo lagu badbaadinayo isla bishan gudaheeda, haddii kalena ay hubaal tahay in ay isla bishan noqon karto mid Soomaaliya ka xakunta dalal kale oo Ajnabi ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia