16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Xubno uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraanka oo u amba baxay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 27, 2006(HOL): Waxaa markii ugu horeysay tan iyo markii dhidibada loo taagay Maxkamada islaamiga Gobolka Hiiraan u amba-baxay dhinaca Magaalada Muqdisho xubno sar sare oo ka tirsan Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan, uuna horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Faarax Maclin Max’uud.

Xubnahan u baqoolay dhinaca Muqdisho oo ay ka mid yihiin ku-xegeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Xasan Shiikh, iyo waliba Guddoomiyaha Guddiga Shuurada ayaa la ogeyn u jeedada Socdaalkooda oo waliba ku soo beegmay xili uu dalka dib ugu soo laabtay Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo in dhawaale ku maqnaa safarro dhinaca Dibadda ah.

Shiikh Faarax oo HOL wax ka weydiisay Ujeedada socdaalkooda Xamar ayaa sheegay in marka uu tago Magaalada Muqdisho uu bixin doono warar dheeraad ah balse hadda uusan dooneyn in uu ka sii hordhaco, laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa siyaabo kala duwan u macneeynaya waxaa xiligan ku soo beegmay safarka Xubnaha sar sare ee Maxkamada Gobalka.

Qaar ka mid ah wararka ayaa sheegaya in socdaalku yahay mid la xiriira Farriin uga timid dhinaca magaalada Muqdisho oo ay soo direen Xubnaha ugu sareeya Midowga Maxkamadaha, halka warar kalana ay sheegayaan in xubnaha ka tagay magaalada Muqdisho socdaalkoodu yahay mid la xiriira kulan ay doonayaan in ay la qaataan Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha si wax badan looga wadda hadlo.

Marka laga soo tago wararkaas cabiraya socdaalka xubnaha Maxkamadda Shareecada ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa iyana jira warar maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn loo hadal yahay oo sheegaya in Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan la doonayo in si rasmi ah loogu soo biiriyo dhinaca Midowga Maxkamadaha, maadaama markii horeba ay ka dhalatay Is-abaabul ka yimid gudaha culimadda Gobolka Hiiraan, taasoo laftirkeeda la oran karo waa qeyb laga yaabo in socdaalku ku wajahan yahay.

Xubnaha sare ee ka amba-baxay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa warar soo baxaya sheegayaan in uu uga sii horeeyo dhinaca magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Maxkamda islaamiga Degamada Buula-Burte, Shiikh Xuseen Barre Raage, waxaana la filayaa in labada dhinac si wada jir ah ula kulmaan mas’uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Dhanka kalena waxaa soo kordhaya Maxkamadaha laga her-galinayo Gudaha gobolka Hiiraan, waxaana Maxkamadihii ugu dambeeyay laga hirgeliyay deegaano ay ka mid yihiin Maxaas, Ceel-Cali, Iyo Far-libaax, Iyadoo maxkamadda laga hergaliyay deegaanka Far-Libaax ay tahay tan ugu xiisa badan Maadaama deegaankaasi yahay mid ku yaala xuduuda Dowladda Itoobiya ay la wadaagto Gobolka Hiiraan, waxaana dhawaan halkaas ka dhacay Dibad-bax lagu diidan yahay in dalka la keeno Ciidamo Shisheeye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).