16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis oo qabtay shir lagu cambaareynayay qaraxii dhawaan lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, September 26, 2006(HOL): Waxaa ka dhacay habeenkii ee Jimcaha ahaa Magaalada Minneapolis Xarunta Brian Coyle shir ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Mataanaha iyo nawaaxigeeda waxaa ka dhacay Shir warsaxaafadeed oo ay jaaliyadda iyo Madaxdeedu ugaga dhiibanayeen Saxaafada madaxbanaan ee gobolka iyo mida Internationalka uguna gudbinayeen dareenkoodu sida ku wajahan falkan ee Argagaxisnimo.

Waxaa ay ka xumaayeen dhamaan dadkii meeshaa isugu yimi iney arkaan wadankoodii oo maantay loo doortay Dowlada laguna doortay si Dimoqraadiyad ah isla markaana loo fadhiyey sanooyin sidii ay dowladaasi ku hirgali lahayd ay Argagaxiso damceen ineey majaxaabiyaan.

Waxaa kale oo dadku ay ka xumaayeen dhacdadii foosha xumayd ee ARGAGAXISNIMADA ahayd oo ka dhacday magaalada Baydhabo, bishan September 18, 2006, taasoo la doonayey in lagu dilo “Madaxweynaha DFKMG, Mudane Abdullahi Yuusuf Ahmed”. Waxaa qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin oo uu qof ismiidaamiyey waxaana ka badbaaday madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Jaaliyadda ku nool gobolka Minnesota iyo madaxdii meeshaa ka hadashay ayaa waxaa ay ka hadleen sida ay ugaga xunyihiin Falkaa foosha xumaa ee ahaa fal argagaxisnimo ah isla markaana waxaa lala beegsaday in lagu wiiqiyo DFKMG laguna baabi’yo dib uheshiisiintii maadamaa ay Dowladaani ay ahayd mid dib uheshiisiineed.

Waxaa Shirka Jaraa’id lagu furay Aayado Quraan ah isla markaana waxaa lagu soo dhaweeyey madax Ururka Jaaliyadda Midowga Soomaalida ee gobolka Minnesota Saciid Faahiye saciid faahiye oo ka hadlay sida ay uga xuntahay falkaan maantana ay Jaaliyadda isugu timi halkan ineey ka jeediso shir Jaraaid oo ay ku dhaleeceeneyso Falkaa xun ee ahaa mid Argagaxisnimo ah lalana damacsanaa in lagu qaarajiyo madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrafoonka Mr MchFarel oo ah nin Jaraa’id ka soo baxa Magaalooyinka Mataanaha leh iyo Idaacad waxaa uu yiri Jariidadeydu iyo Idaacadeydu waxay diyaar utahay islamarkaana caawisaa adinka Jaaliyadda Soomaaliyeed kana shaqeeysaa wixii dhib ah oo haysta inay iftiimiso.

Mr.Rich Staney waa nin musharax ah oo u ordaya jagada Madaxa Shariifka. Staney waxaa uu yiri waxaan rabaa oo aan Tacsi halkan ugaga dirayaa anigoo ka xun Madaxweynaha walaalkiis iyo namaan dadkii halkaa ku geeriyooday waxaana ay tahay Dilkan mid Fuleytinimo ah dadkii dilayna waxay ahaayeen dad ku kacay Fal argagaxisnimo ah.

Waxaa uu ka yiri qudbadiisa oo aad umuhiim ah taasi oo dadku ladhaceen wuxuu yiri waxaan u imi inaan idin taageero waa inaad ka hadashaan Argagaxisnimada isla markaana taageertaan DFKMG adinkii u caawinaya si demoqraadiyad ah.

Dhamaanteenu waxaan taageersanahay in laga hortago Argagaxisada inta iyo dalkii hooyo soomaaliya iyo Aduunka oo idil argagaxisada waxay weerartaa Wadnaha dadka Caadiga ah aniga iyo adiga ha u ogolaanin ha ujixin jixin kalsooni yeelo waad mahadsantihiin. Waxaa kale oo meeshaasi ka hadlay Qaac oo ah Madax ka socda Jaaliyadda isla markaana waxaa uu Maxamed Qaac ahaan jiray Sarkaal dalkii Hooyo soomaaliya waxaana uu yahay siyaasi weyn.

Maxamed Qaac waxaa uu halkaasi ka aqriyey warqadan oo ka soo baxday Xafiiska Jaaliyadda Somali American Community oo hoostagta CSCMN. Waxaa kale oo meeshaasi ka hadlay Faadumo Hiiraad oo ahayd ka socota dhanka Haweenka Soomaaliyeed ee jaaliyadda gobolka Minnesota .



Cabdikarim Ciise (Qaxiye)
info@somaliamericanmedia.org

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).