16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Banaanbax looga soo horjeedo Maxkamadaha Islaamka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, September 26, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose oo ay qabsadeen maxkamadaha Islaamka ayaa shalay iyo xalay waxaa ka dhacayay banaanbaxyo lid ku ah Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah Maxkamadaha ayaa waxay ka sameeyeen banaanbax rabshado watay oo isugu jiray dhagax-tuur iyo taayarro la gubay, iyadoo la sheegay in ay dadkaasi ka careysnaayeen maxkamadaha qabsaday iyo weliba Calanka Soomaaliya oo laga dejiyay meel uu magaalada Kismaayo ka surnaa, isla markaana lagu bedelay calan kale oo ay Maxkamadaha wateen.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay ka mid ahaayeen Barre diide dooni meyno, USC dooni meyno iyo kuwo kale, waxaase markii ay cabaar banaanbaxayeen ka hortegay ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo kala ceyriyay.

Arrinta ku saabsan karaamo-tirka lagu sameeyay Calanka Soomaaliya ee Kismaayo ka dhacday ayay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka si kala duwan uga hadleen, wuxuuna Shiikh Xasan Turki oo Gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda uu sheegay in Calanka oo hoos loo dhigo aysan wax micno lahayn, isla markaana uu maro yahay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Maxkamaduhu leeyihiin ujeedo ka weyn Calan la dejiyo oo ah in shantii Soomaali lagu baadi doono Kitaabka Alle.

Laakin Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay arrintaas ahayd qalad dhacay, balse qaladkaas ay tuhmayaan in uu ka dhacay shakhsi gaar ah, “Waxaa loo qaatay in arrinta karaamo-tirka Calanka ay Maxkamadaha ka dambeeyaan, taasina ma ahan wax jira, Annagu dood kama qabno in uu Calanka sharafkiisa lahaado”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in haddii ay wax qaldameen ay saxayaan qaladkaas, isla makaana ay baarayaan ciddii ka dambeysay in Calanka hoos loo dhigo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Kismaayo oo ay si buuxdo gacanta ugu hayaan Maxkamadaha Islaamka, waxaana dib u bilowday isu socodkii dadka iyo howlihii ganacsiga ee ay dadku wateen, inkastoo ay jireen goobo ganacsi oo aan weli la furin, kuwaasi oo dabcan ay leeyihiin dad ku jira xaalad sug oo arag ah kadib la wareegiddii Magaalada ee Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).