16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ku sii siqaya deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka, ahna Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamo la socday ay isaga baxeen Magaalada Kismaayo, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay u amba baxeen.

 

Lama oga in Wasiirka iyo Ciidamadiisa oo beryahan ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay difaac ahaan u aadeen dhinaca Maxkamadaha Islaamka iyo in ay gebi ahaanba isaga tageen Magaalada Kismaayo oo ay ciidamada Maxkamadaha ku sii siqayaan, waxayse wararka qaarkood sheegayaan in Barre iyo Ciidamadiisa ay u baqooleen gobollada Gedi iyo Bay midkood.

Axad, September 24, 2006(HOL): Degmada Jillib iyo deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo gaaray raacii ugu horeeyay ee Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kuwaasoo la sheegay in  uu hogaaminaayo nin lagu magacaabo Xasan Turki oo Maxkamadaha Islaamka ka tirsan.


 

Ciidamadani maxaakiimta ayaanan jirin cid kala hortimid wax dagaal ah markii ay saaka 8dii aroornimo ay soo gaareen magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe , waxaana ay markiiba ka bilaabeen deegaankaasi in ay isugu yeeraan dadka deegaanka oo ay ujeediyeen qudbado ay kaga hadleen hadafkooda oo ay ku sheegeen in ay tahay in ay ku xukumaan dadka Kitaabka Alle oo kaliya.


 

Magaaladani Dekedda leh ee Kismaayo oo uu ka arimiyo Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa laga dareemayaa xiisada colaadeed ee imaanshiyaha Ciidamada Golaha Maxkamadaha Islaamka. Dhaqdhaqaaq militari ayaa ka muuqanaayo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasoo ah meesha uu isugu geeyay Wasiirka Gaashaandhiga Ciidamdiisa.

 

Wax hadal ah kama soo yeerin masuuliyiinta Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay muuqato khilaafka dhexdooda ah iminkaba , mana jiraan ka hor imaanshiyo dagaal oo ay sameynayaan Ragga Isbahaysiga la ahaa Barre Hiiraalle sida uu maanta sheegay  Xildhibaan Seeraar oo ah Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba.


 

Inkastoo aysan jirin wax dagaal ah oo weli dhexmaray labada dhinac ayaa misna xaaladani waxay ku soo beegmaysaa waqti maamihii aynu soo dhaaafnay ay soo baxayeen baaqyo ka imaanayo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Jubbyooyinka oo ku aadanaa in aysan habooneyn dagaal dhiig ku daato oo mar kale ka qarxa Magaalada Kismaayo.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).