Jimco, September 22, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya Magaalada Muqdisho iyo gobollo badan oo ku yaala Koofurta Soomaaliya ayaa maanta waxay dil qisaas ah ku fuliyeen gacan ku dhiigle horay nin ugu dilay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Maxamuud Diiriye.
Barxadda Dugsiga Booliska ee ay wax ku toogan jirtay Dowladdii Mileteriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa ayaa ninkaas lagu toogtay, waxaana fuliyay dilkiisa Ciidamada Ammaanka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka.
Shiikh C/llaahi Macallin Naxar Abuu Cuteyba oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan ammaanka gudaha ayaa sheegay in ay dilkaasi ku fuliyeen gacan ku dhiiglaha kadib markii ay ku caddeeyeen marqaatiyaal Maxkamaddii xukuntay la hor-keeyay, iyadoo markii dambena uu gacan ku dhiiglaha qudhiisa qirtay in uu dilkaasi gestay.
Gacan ku dhiiglaha ayaa dhawaan nin ganacsade ah oo uu
Abuu Cuteyba waxaa uu intaas ku daray in haatan qofkii qof dila isna la dili doono, wuxuuna ku cel celiyay inay dhamaadeen waqtiyadii inta dadka wax aan micno lahayn loo dilo dariiqyada la iska laafyoon jiray, “waa dhamaaday waqtigii dadka loo dili jiray xabad sigaar ah, kun Shillin Soomaali ah iyo wax ka sii hooseeya, qofkii qof dilana waa la dili doonaa Insha Allaah”ayuu yiri Abuu Cuteyba oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-nabadgeliyaan.
Dadweyne aad u faro badan ayaa ka qeybgalay halkii lagu tooganayay gacan ku dhiiglaha, kuwaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyay dilka qisaasta ah ee ay maxkamadaha Islaamka fuliyeen, hayeeshee qaar ka mid ah dadweynaha ayaa qaba su’aal ah sida laga yeelayo gacan ku dhiiglayaashii Maxkamadaha ka hor dilalka ka geysan jiray magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee ay Maxkamadaha Islaamka ka taliyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa dilkii ugu horeeyay oo qisaas ah oo ay Maxkamadaha Islaamka fuliyaan tan iyo markii ay la wareegeen Talada Magaalada Muqdisho, waxayna dadka badankiis isku raaceen in dilalka qisaasta ah ay baajin doonaan dilalkii sida micno darrada ah dadka loogu geysan jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia