20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadda Islaamka Gobolka Hiiraan oo markii ugu horeysay xukun ku fulisay dad lagu soo qabtay fal dembiyeedyo kala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, September 22, 2006(HOL): Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay tan markii la dhisay xukun ku fulisay Eedeysanayaal lagu soo qabtay fal danbiyeedyo kala duwan, iyadoo dhanka kalana meel fagaaro ah ku gubtay  maandooriyaha Xashiishka oo sida la sheegay lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaasha.

 

Xukunka Maxkamaddu fulisay oo ah Tacsiir lagu fuliyay ilaa 10 dhalinyaro ah oo in muddo ah lagu hayay xabsiga dhexe ee Magaalada ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadkii isugu yimid goobta lagu fuliyay Xukunka oo dhanka kale si weyn ugu farxay gubista Maandooriyaha Xashiishka oo inta la xasuusto ah markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo gubo.

 

Qaar ka mid mas’uuliyiinta maxkamadda oo u waramayay HOL ayaa sheegay in ay jiraan sidoo kale dambiilayaal la filayo in maalmaha soo socda lagu fuliyo xukun kala duwan, waxaana ay intaas ku dareen in xukunkan ay fuliyeen iyo kuwa la filayo in maalmaha soo socda la fuliyaba ay fududeynayaan buux dhaafa ka jira gudaha xabsiga.

 

Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in Mas’uuliyiinta maxkamaddu ay ka dhawaajiyeen in ay jiraan sharciyo gaar ah oo ay ugu talagaleen bisha  Barakeysan ee Ramadaan si loola socda dadka caadeystay in ay ku xad-gudbaan  waajibaadka looga baahan yahay.

 

Inkastoo xukunka lagu fuliyay Eedeysanayaasha uu ahaa kii ugu horeyay ayaa haddana waxaa in la xuso mudan in dhinaca nabad-gelyada maxkamaddu wax weyn  ka qabatay, iyadoo xir xirtay goobo badan oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya, waxaana ay dadku si weyn uga war dhowrayaan  Talaabada ay maxkamaddu qaadi doonto  inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan oo marka la eego bilihii aynu soo dhaafnay Gudaha magaalada ay caadi ka ahayd in la furo goobaha laga cunteeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).