Jimco, September 22, 2006(HOL): Kulan qado ahaa oo socday muddo saacado ah kana dhacay Hotelka Tawakal ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soo qeybgalay golaha hoggaaminta Isbahaysiga Dooxada Jubba, Saraakiil iyo guddi gaar ah oo loo saaray dhameynta khilaafyada Isbahysiga Dooxda Jubba.
Kulankani oo ah kii ugu horeeyey oo ay isku arkaan mas’uuliyiinta sadexda ah ee Isbahysiga Doxada Jubba ayaa waxaa la isku dhaafsaday hadallo kul-kulul oo labada dhinacba ka soo baxayey, kuwaasoo ka dhan ahaa siyaadda labada mas’uul ay isku hayaan gaar ahaana guddoomiyaha Isbaheysiga iyo ku xigeenkiisa.
Mas’uuliyiinta Isbahaysiga, gaar ahaan Barre Hiiraale iyo Seeraar oo la dhexdhexaadinayey ayaa labaduba ka dlabaday guddigii farsamo in ay qabtaan guddi hor leh oo farsamo, kaasoo ka soo baaraan-dega khilaafka la isku hayo labada dhinac.
Mas’uuliyiinta Isbahaysiga ayaanan soo bandhigin wax colaad ah oo sidaasi u sii weyn oo ay isu qabaan haseyeeshee waxaa loo madlan yahay kulamo kale oo ay gudiga cusub oo gudoomiye looga dhigay Maxamed Rooble Jimcaale Goobaalle ay soo jeediyeen.
Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia