Jimco, September 08, 2006(HOL): Waxaa galabta ka amba baxay Magaalada Muqdisho wafdi dhowr iyo 20 xubnood ka kooban oo isugu jira mas’uuliyiin ka socota maxkamadaha Islaamka, siyaaiyiin ka tirsanaa Dowladdii TNG-da ee Carta lagu soo dhisay, Arday iyo Mujaahidiin ka dhaawacmay Maxkamadaha Islaamka oo daweyn dibadda loogu qaaday.
Wafidgan oo ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana ku sii jeeda Dalka Liibiya ayaa waxaa hoggaaminayay mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaan Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo sidoo kalena ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Dowladdii TNGda C/qaasim Salaad Xasan, Dr. Xuseen Xaaji Bood oo dowladdaas ku biiray markii ay waqtigeeda dhameysan rabtay iyo weliba Axmed Abroone Amiin oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dowladdaas.
Sidoo kale waxaa xubnaha wafdiga ka mid ah Mujaahidiin ka qeybgalay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii ku mideysnaa Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo dhaawacooda waxba looga qaban waayay dalka gudahiisa, sidoo kale waxaa xusid mudan in xubnaha wafdigaas ay ka mid ahaayeen Arday wax ku soo baraneysa Dalka Liibiya.
Warar aynu ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ujeedada socdaalka wafidgaas ku tilmaameen martiqaad ay ka heleen dowladda Liibiya, waxayna wararku intaas ku darayaan in wafdiga oo muddo labo maalmood ah soo joogi doona dalka Liibiya ay ka qeybgeli doonaan inta ay halkaasi ku sugan yihiin shir lagu maamuusayo aas aaska Midowga Afrika, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in wafdiga ay martiqaad gaar ah ka heystaan Hoggaamiyaha Liibiya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in wafdiga ay sidoo kale kulamo la soo qaadan doonaan hoggaamiyaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi oo isagu casuumaadda u fidiyay Maxkamadaha Islaamka, isla markaana u soo diray diyaarad khaas ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan waxay socdaal ku tageen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku gaareen martiqaad ay u fidisay Dowladda Kenya, wuxuuna Shiikh Shariif sheegay markii uu Muqdisho ku soo laabtay in ay halkaasi kulamo kula soo qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo kuwo ka socda UN-ka iyo Kooxda Xiriirka Soomaalida ee Contact Group loo yaqaano, wuxuuna caddeeyay in ay dhamaan dhinacyadaas u sheegeen in ay si weyn uga soo horjeedaan in ciidamo ka socda dalalka IGAD loo diro Soomaaliya.
Socdaalka ay wafdigan ku tegayaan Dalka Liibiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi uu Dowladda Liibiya ku eedeeyay in ay sii hurineyso dhibaatada ka jirta Soomaaliya, walow uu dhawaan eedeyntaas ka raaligeliyay Dowladda Liibiya Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo Dowladdiisii TNGda ay saaxib la ahayd Dowladda Liibiya, isla markaana taageero dhinacyo kala duwan leh siisay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia