20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Shiikh Shariif oo xalay la kulmay Ururka Muslimiinta Kenya iyo kan Ganacsatada Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 04, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo tan iyo Sabtidii ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xalay wuxuu Hotelka Safari Park kula kulmay Urur ay leeyihiin Muslimiinta Wadanka Kenya iyo mid ay leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Shiikh Shariif oo kulanka ka hadlay ayaa wuxuu ku dheeraaday sharaxaad uu ka bixiyay ujeedooyinkii Maxkamadaha Islaamka loo aas aasay, wuxuuna sheegay in ujeedooyinkaas ay ka mid ahaayeen in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabadgelyo iyo cadaalad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ilaa iyo xad haatan dadaalkaas lagu guuleystay, inkastoo uu caddeeyay in ay mar walba jireen dad doonayay in turuntureeyaan dadaallada nabad-doonka ah ee ay wadeen.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay haatan ka taliyaan dhul isugu xiran min Xamar ilaa Gobolka Mudug, wuxuuna caddeeyay in ay dhulka u dhaxeeya labadaas gobol ay ka qaadeen Isbaarooyin dadka lagu dhibaateyn jiray.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in ay mar kasta diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid kasta oo wax ka tabaneysa, wuxuuna meesha ka saaray in ay imaan karto cabsi laga qabo Maxkamadaha Islaamka oo ah kuwo ku howlan soo celinta Cadaaladdii iyo Nabadgelyadii Soomaaliya ka lumay.

Intaas kadib Ururka Muslimiinta Dalka Kenya iyo Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Golaha Maxaakimta Islaamiga ah in hawlaha ay ka qabanayaan dalka Soomaaliya ay noqdaan kuwo si daacadnimo ku jirto loogu qabanayo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u ballanqaaday Maxaakimta Islaamka in ay la garab taagan taagan yihiin taageero joogto ah.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa oo Sabtidii gaaray Magaalada Nairobi waxay shalay kulan la qaateen Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya Mr. Raphael Tuju, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabasn keenista dalka Soomaaliya ee Ciidamado ka socda IGAD iyo sidoo kale sidii meesha looga saari lahaa hadallo adag oo ay saxaafadda isugu gudbiyeen Dowladda Kenya iyo Maxkamadaha Islaamka.

Maanta ayaa la filayaa in Wafdiga kulan la qaataan Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo ka soo gelaya Magaalada Mombasa oo uu socdaal gaaban ku tegay, iyadoo marka ay kulanka dhameystaan kadibna lagu wado in ay shir jaraa’id wada qabtaan labada dhinac, kaasi oo ay ku soo bandhigayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).