20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Yuusuf Daba-geed, Aadan Garaaso iyo Shiikh Faarax Macallin oo loogu baaqay in aysan Dagaal ka dul ridin Dadka waayeellada ah, Caruurta, Cuuryaanka, Agoonta, Dadka dhimirka la’ iyo kuwa nolol maalmeedk

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 31, 2006(HOL): Qoraalkan talo soo jeedinta ah waxaa HOL soo gaarsiiyay waxgarad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka damqanaya dhibaato dagaal oo ka dhacda Gobolka Hiiraan oo muddo ku soo jiray is-bedello horumar watay, waxaana qoraalkan loogu socodsiiyay, isla markaana la gaarsiiyayba Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed), Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamka Gobolka Shiikh Faarax Macallin, wuxuuna qoraalka u qornaa sidan:

Salaanta Islaamka kadib

Walaalayaal waxaan si toos ah ula soconay isbedelada iyo horumarka ka socday gobolka Hiiraan tan iyo dhicitaankii dolwladii dhexe ee Soomalia sanadkii 1991dii. Wax kasta oo la soo maaray waxey qeyb ka ahayd masiibo caam ah oo ku habsatay dalka oo idil taas oo aan aaminsanahay ineysan jirin cid mas’uuliyadeeda lagu eedeeyo oo aan ahayd beni’aadamka dembigiisa.

Walaalayaal, Gobolka Hiiraan sanadihii dambe waxaa ka muuqaday horumar la xusi karo oo ka dhashay dadaalka dadweynaha waxaana suuragashay in ay arday ka badan 7,000 waxbarasho ugu suuragasho dugsiyada gobolka, iyadoo in lagu qiyaaso 40,000 oo caruur ahana ay degenaansho u heleen iney u kalahaan dugsiyada Qu’aanka . Wax sooraarka ayaa gaaray heerka u dhoofinta gobolada dalka & dibadaba, heerka shaqo abuursita ayaa si weyn u kobcaya. Waxaa muuqaneysa kororka shirkadaha yaryar ee adeega bulshada qaabilsan, waxaa soo muuqada waxbarsho tacliinta sare oo aasaasaya jaamacado waaweyn iyo macaahid xirfadeed muhiim ah. Waxaa ifaya kaah bilow ah oo ah nidaamka warshaadaha yaryar iyo soo noqosho kaadiriintii dibadaha u baqooshay.

Sidaas daraadeed, anigoo idinkla mid ah aragtida in gobolku ku noolaado nabadgelyo iyo horumar aad la wada jeceshihiin ayaa hadana muuqatay is fahamdaro iyo feker kala duwanaansho ku saleysan wadada qilaaf xalinta taas oo dhalisay in heer gacan kahadal uu gobolku qarka u saran yahay. Anigoo og is bedelka degdegga ah ee ka socda wadkanka guud ahaan taxliiliyayna xaalda gobolka & mustaqbalkiisa dhow oo ka duwan sanadihii aan ka soo gudubnay ayaa waxaa ila qumanaatay inaan si walaltinimo ah talo ku dhiibto.

Walaalayaal, iska hor imaad gacan ka hadal ama mid ra’yiyeed oo ay ka dambeeyso filasho kaalmo ay qolo waliba ka hesho sedexeeye aan gobolka & dalkaba degaan ku lahayn uma noqon karto asal xalinta khilaafka hoggaanka aad hadda heysaan, balse waxey gobolka dib ugu celineysaa 10 sano oo la soo dhaafay.

Walalayaal adinkoo eegaya inta Hooyo gabowday oo aan socod gelin, caruur daciif ah ee aan waxba garan, cuuryaan aan ismaamuli Karin, tiro agoon ah oo aan xanaano heysan, dad alle ku imtixaanay dhimir la’aan ama waali, faqiir nolol malmeedkiisa la’a iyo weliba xayawaan deris ku noole ah oo dhamaan gobolka ku wada nool ma ximbaari karaan in gobolku uu noqdo barxad dagaal ay ku hertamaan sedexeeye aan dan ka lahayn. Taas waxaan ula jeedaa is ku dhac dhexdiina ah inuusan marnaba ku ekaan doonin dhexdiina.

Walalayaal, adinkoo ah hogaanka manta & mas’uuliyiinta masaakiinta aan soo xusnay inaad waxa ugu fog ka dhigtaan gacan ka hadal maadaama aadan awood u heleyn hadda kaalmo dheeraad ah oo aad iyaga u fidisaan.

Walaalayaal, anigoo og daadaalka Ugaasyada, odoyaasha iyo inta wax garadka ah talada ay ku murxayaan iney raadinayaan helitaanka & ilaalinta inta manta la heysto ayaan waxaan hadana idin xusuusinayaa in aad mudan tihiin wadahal aan leydin dhexddhexaadin. Waxaanse ku talin lahaa inaad u soo daadegtaan wada hadal qilaafkiinana aad ku xalisaan sidii qoys murmay adinkoo ku bilaabaya inta aad isku waafaqsan tihiin ka hor inta aad isku diidan tihiin.

Walalayaal, cimriga qof waliba ma aha in lagu cabiro dhismaha jiilka is daba yaalla, qof welibana wuxuu tusaale u yahay jiilka ka dambeeya.

Walalayaal waxaa iga codsi ah in la dhowro fursada manta taalla & xaaladaha isbedelayo ee dalka xikmadna lagu dhiso go’aan qaadasho kasta, wax walibana ku saleeya danta dadka badan siiba masaakiinta. Waxaan ALLE idiinkaga baryayaa inuu idin haleeshiiyo wixii ummadan dan u ah oo kheyr badani ku jiro.

Waxaa isku soo duway:
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).