20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ka soo horjeestay in Ciidamo ka socda IGAD la geeyo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 31, 2006(HOL): Wasiirka gaashaandhiga dowlada federaalka Soomaaliyeed Barre Adaan Shire Hiiraale ayaa waxaa uu si cad uga soo horjeestay keenista Ciidamada Dowladaha IGAD ay qorsheynayaan in ay keenaan Soomaaliya, si loo caawiyo dowladda ku meel gaar ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa mar uu hadalkani siinaayey HOL waxaa uu sheegay in wadamada doonayo in ay Ciidamo keenaan dalka Soomaaliya haatan aanan looga baahneyn, isagoo xusay in Soomaaliya iminka ay u baahan tahay oo kaliya dhaqaalo lagu dhiso ciidamadeedii qalabka siday kuwaasoo dhamaantood ku sugan gudaha dalka.

Xildhibaanka oo uu hadalkiisa ku soo beegmay waqti dowladaha IGAD qaarkood ay qorsheynayaan in ciidamdooda ay u soo diraan Soomaaliya ayaa waxaa uu xusay in ay tahay arrin laga maarmi karo ciidamo ka yimaado Dalalka IGAD, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in uu isagu keenista ciidamada shisheeye uu si weyn uga soo horjeedo, horayna uu uga soo horjeedi jiray.

Wasiirka mar uu ka hadlayey falalka amni darrada ah ee ku soo kordhay waayadani magaalada Kismaayo, gaar ahaan ahaan falal afduub iyo dhac gaadiid isugu jira oo ay geysanayeen maleeyshiyooyin fidno wadayaal ah, wuxuuna sheegay in ammaanka uu noqon doono saacadaha soo socda mid ay gacan bir ah ku qaban doonaan , isagoo amar ku bixiyey in la soo dhigo Xabsiga dhamaanba dadkii geystay falalkii amni darrada ahaa ee ka jiray magaalada Kismaayo maalmihii tegay.

Dhanka kalena Guddii farsamo ee dhismaha maamulka Jubbaland ayaa shalay waxay kala hadlayeen odayaasha dhaqanka beelaha deegaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha maamulka Jubbaland oo ka hirgala gobollada Jubbooyinka. Odayaasha dhaqanka ee ka soo qeybgalay kulankasi ayaa intooda badan xusey in ay tahay lagama maarmaan maamul ay helaan bulshada Jubbooyinka si loo hormariyo.

Kulanka oo saacado badan qaatay isla markaana uu goobjoog ka ahaa wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Xildhibaan Barre Hiiraale iyo madax kale oo Isbahaysiga ah ayaa waxaa ka maqnaa oo aan cag soo dhigin dhamaanba hoggaamiye dhaqameedyada beelaha Daaroodka oo ka biyo diidsanaa dhisitaanka maamulka .

Haseyeeshee waxaa ay guddiga farsamo ee dhismaha maamulka Jubbaland ay xuseen in ay doonayaan in ay soo dhisaan sidii loo qeybsan lahaa, loona soo xuli lahaa maamulka, balse aysan iyagu dooneyn in ay dhisan maamul. Dadkii ka hadlay madashii kulanka oo uu Barre Hiiraale ka mid ahaa ayaa ka codsaday hogaamiyaasha dhaqanka in ay taageeraan dhismaha maamulka la soo dhisayo, balse dhamaan beelihii tagay shirka oo aad u faro badanaa, ayna ka maqnaayeen qaar ka mid ah beelaha daarood ayaa soo dhaweeyey, kuna farxay kulanka sida uu caddeeyey Ugaas Xuseen Hadaafow, Ugaaska beesha Cowramale oo ku hadlaayey magaca Ugaasyada.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).