16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe oo ay xireen biyo ka dhashay Roobabkii

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 30, 2006(HOL): Waxaa go’an oo ay biyo fadhiyaan wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taasina ay sababtay in ay ku xayirmaan Degmada Jowhar iyo deegaano ku dhow dhow dad safar ah oo qaarkood Muqdisho ku sii jeedeen, halka kuwo kalena ay u socdeen gobollada dhexe iyo Dalka Itoobiya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Deegaanada Buurane iyo Fiidow ay ku xayiran yihiin dad Musaafir ah, kuwaasi oo ku sii jeeday gobollada Dhexe, halka Magaalada Jowharna ay soo gaareen dad kale oo ku socday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Jowhar ka taliya ay gurmadeen kadib markii ay ka go’day sahaydii ay wateen.

Wadadan ayaa xirantay kadib markii ay fariisteen biyo ka soo fatahay Webiga Shabeelle oo si daran u biyo keenay iyo biyo ka yimid Roob maalmihii tegay ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Fatahaadda Webiga Shabeelle oo ka bilaabatay deegaano aad ugu dhow magaalada Jowhar ayaa saameyn weyn waxay ku yeelatay dad beeraley iyo xoolaley ah oo ku dhaqnaa deegaano ku dhow dhow Magaalada Jowhar, kuwaasi oo lagu soo waramayo in dhul beereed u tacbanaa oo weliba xiligii goosashada joogay ay fatahaaddu kala tagtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).