20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

SHIIKH FAARAX MACALIN MAXAMUUD: “Arrinta ku saabsan deegaanka Jawiil wada hadallo ayaa ka socda…

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 30, 2006(HOL): Gudoomiyaha Gudiga fulinta Maxkamada islaamiga ee Gobalka hiiraan ayaa hiiraan online waxaa ay wax ka weydiisay sida uu arko Is rasaaseyn dhawaan dhax martay ciiidamada Maxkamada islaamiga iyo kuwo ku sugnaa deegaanaka Jawiil oo ka amar qaata Xildhibaan Max’med Xuseen Cadow.

Shiikh Faarax Macalin Max’muud waxaa uu sheegay in is Rasaaseynta dhaxmarta labada dhinac aysan aheyn mid Qorsheysan islamarkaana ay ku dhacday si lama filaan ah, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Maxkamadu xiligaa ku guda jireen howlo la xiriira sugida Nabad-galyada Goobaha maxkamadu Gacanta ku heyso taasoo keentay ayuu yiri in iska hor-imaad aan la sii qorsheyn uu ka dhax dhaco labada ciidan.

Shiikh Faarax oo u muuqday nin Taxadir badan ka muujinaya ka Hadalka Arita Deegaanka Jawiil ayaa sidoo kale mar uu ka jawaabayay sida uu u arko Jidgooyo ka dhan ah Maxkamada oo u taala halka lagu magacaabo Kala-Beyr ciidamada Ing, Cadow waxaa uu sheegay in arintaasi tahay mid laga war qabo, islamarkaana Maxkamadu ku dadaali doonto sidii loo qaadi lahaa, Guud ahaan Xaalada Deegaanaka Jawiil wadda hadal ayaan ka leenaha Anaga iyo Odayaasha, waxaana Talaabo la qaado ay ku xiran tahay uun sida wadda hadaladaasi Miro dhanka u noqdaan Ayuu hadalkiisa sii Raaciyay Shiikh Faarax,

Laakiin Nabadoon C/laahi Cabdi Cariig oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Jawiil oo wareysi siiyay Qaar ka mid ah warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in is Rasaaseyntii ka dhacaday Deegaanka uu ka Taliyo aheynd sida uu hadalka u dhigay mid la mid ah kuwii hore oo kale, waxaana uu intaa ku daray in dhinaciisa uusan Aqoonsayn wax Maxkamada la yiraado, taasoo muujineysa Isfah darada u dhaxeeysa Maxkamada iyo waxgaradka deegaanka,

Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa soo Ifbayay Xurguf iyo kala shaki soo kala dhax-galay Maxkamada islaamiga iyo waliba ciidamada fariiska ku leh Deegaanka Kala-Beyr taasoo Aqirkii keentay iska hor-Imaad dhaxmara labada dhinac waxaana iska hor imaadkaa ku dhaawacmay 5 ruux oo Qaar kood dad Rayid ah ahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).