20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo sheegtay in Nabadda ka jirta Caasimadda Muqdisho aysan u baahneyn Faragelin Shisheeye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 30, 2006(HOL): Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid ah Haweenka u ololeeya Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku jira ayaa sheegtay in nabadda ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aaney u baahneyn faragelin shisheeye, balse loo baahan yahay in adkeynta nabaddaas ay ka ka qeybqaataan bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaanada oo ka hadleysay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Hotelka Amiira ee magaalada Muqdisho kadib markii ay dhawaan ka soo laabatay dalal dibadda oo ay tagtay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay is-bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku tilmaantay mid aaney cid gaar ah lahayn, waxayna ugu baaqday in ay dadku ku faro adeygaan.

Mar ay Xildhibaanadda ka hadleysay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsan tahay ayay sheegtay in Dowladda Federaalka ay tahay maamulka sharciga ah ee ka jira dalka Soomaaliya balse aan awood badan lahayn, hayeeshee waxay carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay in ay haweenka Soomaaliyeed u howlgalaan sidii heshiis looga dhex dhalin lahaa Dowladda federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee gacanta ku haya talada gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya, inkastoo hadana ay xustay in aan Haweenka laga txigelin Kulanka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda iyo Maxkamadaha ee Suudaan ka furmaya.

“Horay dowladda Xamar uma imaan karin sabab ayaa jirtay oo ammaan ma jirin, hadana waxaa jirto sabab kale oo ah in ay dowladdu Xamar ku shaqeyn karto, waayo waxaa Magaalada Muqdisho ka jirta nabad, waxaase loo baahan yahay in marka hore la dhameeyo mad-madowga ku kala dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo kulanka ka hadashay ayaa iyaduna ka hadashay, waxayna talo u jeedisay Maxkamadaha Islaamka oo ay ugu baaqday in aaney weerar ku qaadin Dowladda Federaalka, in ay sii adkeeyaan ammaanka ay ka hirgeliyeen Magaalada Muqdisho, in aysan iyaga dhexdooda is-khilaafin iyo in ay furfurnaan u muujiyaan Beesha Caalamka si aan sawir kale looga qaadan. Xildhibaanadda waxay intaas ku dartay in ay horay u dhihi jirtay “ma arki doono aniga oo si nabad ah oo ilaalo ah u socda Magaalada Muqdisho balse Allaah qadartii taasi wey dhacday, waxaana ku talinayaa in aan la dayacin amniga iyo kala dambeynta la helay”.

Fanaanadda Seynab Xaaji Cali Baxsan oo lagu casuumay in ay kulanka ka hadasho ayaa ku cel celisay in aan Dalka Soomaaliya looga baahneyn Ciidamo Shisheeye oo ay si gaar ah uga xustay kuwa Dowladda Itoobiya oo ay Tigreega ka sii bar tilmaameedsatay, waxayna wacad ku martay in ay iyadoo 80 jir ah ay dhufeys u geli doonto difaaca dalka iyo diinta, waa haddii bey tiri ay ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya ku soo duulaan.

Kulankaasi waxaa kale oo ka qeybgalay Haween ay ka mid ahaayeen , Caasha Shaacuur Ugaas, Madiina Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal), Sahra Cumar Maalin, Maryan Xuseen Awreeye, Raaxo Jinaqow iyo kuwo kale oo aad u badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).