16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo loogu baaqay in ay raaligelin ka bixiyaan hadal uu mas’uul ka tirsan sii daayay oo lid ku ahaa Ururrada Bulshada Rayidka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 28, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay in uu raaligelin ka bixiyo hadal ka soo yeeray mas’uul ka tirsan, kaasi oo lid ku ahaa Ururrada Bulshada Rayidka.

Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay wax aad looga xumaado tahay in Shiikh Axmed C/llaahi Xuseen (Shiikh Fanax) oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada uu ku dhawaaqo in ay Bulshada Rayidka u yaqaanaan dadka soo barakacay, kuwa agoonta ah iyo kuwa Suuqyada ka xoogsada.

Inj. Suudaan Cali Axmed oo ku saxiixnaa Qoraal ka soo baxay Hay’adda Elman ayaa sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka ay yihiin baalasha ay duulaan Maxkamadaha Islaamka, isla markaana aysan u qalmin in loogu yeero wax aan munaasib ku ahayn, wuxuuna intaas ku daray Inj. Suudaan in ay u qaadanayaan in hadalkaas uu ahaa mid aaney Mas’uuliyiinta Maxkamadaha isla wada ogeyn oo uu kaliya ka soo baxay mas’uulka sheegay.

Haddaba Shiikh Fanax oo ah mas’uulka hadalkan sii daayay oo daba socday Warsaxaafadeedka ay Hay’adda Elman sii deysay ayaa sheegay in hadalkiisa si qaldan loo fahmay, isla markaana uu sheegin wax lagu inkirayo doorka Ururrada Bulshada Rayidka, wuxuuna isku difaacay in ujeedka ugu weyn ee hadalkiisa uu ahaa in haatan wixii ka dambeeya aysan jirin magacyo NGOs oo la isaga qaraabti, iyagoo magaca dadka la sheeganayo, isla markaana uu xisaabtan jiri doono.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka gacanta ku wada dhigeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxayay hadallo iyo falal aysan dadka qaarkood jecleysan halka ay u dhacayaan, waxayna falalkii ugu horeeyay oo ay dadku ka qeyliyeen ay ahaayeen joojinta daawashada ciyaarihii Adduunka ee aynu ka soo gudubtay, dhigashada Aroosyada Muusikada laga tumo, waxaa ku soo xigay in Shir ay dhiganeysay Xarakada Al-Islaax oo lagu casuumay dad gaaraya shan boqol oo ruux la joojiyo, waxayna dhamaan falalkaasi ahaayeen kuwo ay dadku guux badan ka keeneen, inkastoo dadka qaarkiis ay isku qanciyaan in amarrada ceynkaas ah ee wax lagu joojinayo ay yihiin kuwo aaney u dhameyn mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka oo aan iyagu ka hadlin dhacdooyinkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).