Sabti, August 26, 2006(HOL): Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo qabashadeeda ay iska kaashadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyo Idaacadda Banaadir, isla markaana lagu soo dhaweynayay Fanaanadda caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa maanta lagu qabtay Hotel Global ee Magaalada Muqdisho.
Xafladdaas waxaa ka qeybgalay oo lagu casuumay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo xafladda ujeedkeedu ahaa sidii Fanaanadda Maryan Mursal loogu soo dhaweyn lahaa dalkeeda hooyo ee Soomaaliya oo ay muddo dheer ka maqneyd.
Mas’uuliyiintii xafladda ka hadlay ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Maryan Mursal waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Xasan Gaabow, Agaasimaha Idaacadda Banaadir, Axmed Nuur Cali Dhegweyn (Axmed-na), Jabriil Axmed Jilacow oo ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, Guddoomiyaha Hay’adda isku xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA C/naasir Axmed Cusmaan, Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye iyo Fanaanadda weyn ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.
Maryan oo ka mid ahayd Fanaaniintii uu dagaalka ku qabsaday dalka Soomaaliya markii lala dagaalamayay dowladii hore waxay u qaxday dalal ka tirsan Yurubta, gaar ahaan Dalka Denmark oo ay muddo sanad iyo dheeraad ah ku gaartay sidii dalba dalka uga sii goosheysay.
Sida ku cad hees ku jirta Albumka Lay-lay ee ay Maryan sameysay markii ay Yurub tagtay waxay ku qaadatay Maryan Mursal in ay Denmark gaarto tahriib dheer oo ka bilowday Xamar. Iyadoo Maryan dhibkaas martay hadana jaceylka dalkeeda kama go’in, waxayna dal-tebisteeda ku muujisay heeso ay qaar iyada sameysay, iyadoo ay u sii dheer tahay in ay ku luuqeysay heeso ay Soomaalida ugu sheegeyso in ay naftooda caay u diidaan, isla markaana ay Soomaalida ceeb u diidaan.
Maryan Mursal waxay muddo todobaad ah joogtay magaalada Muqdisho, mudadaasna ay wax Xamar kula kulantay waxyaabo farxad geliyay iyo waxyaabo kale oo ay ka murugootay,mar wey faraxdayoo waxay u riyaaqday ammaanka Xamar ka jira, mar kalena wey niyad xumaatayoo waxay Ex-Fiyoore, Rungtii Fanaaniinta Soomaaliyeed ay kula kulantay Saaxibo ay waayo hore isugu dambeysay oo ku sugan xaalad duruufeed oo aad u adag, waxaana ka xusi karnaa Fannaaniintaas Saciid Harawo,Cabdi Tahliil Warsame, Faarax Siidow Faarax iyo kuwo kale. Sidoo kalena waxay booqatay qabrigii Abwaan Xuseen Aw-Faartax oo Xamar dandarro ugu dhintay.
Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Laf-dhabarka Hobolladii Waaberi waxaa ka muuqda in ay aad ugu soo hilowday dalkeeda iyo dadkeeda, waxay sheegtay in ay mar walba ku taami jirtay in ay dalka timaado balse ay Caruurteeda u diidi jireen in ay Soomaaliya soo aado, iyagoo ka baqanayay in ama la dilo ama loo qabsado lacag madax furasho ah oo aysan bixin karin, hayeeshee waxay carrabka ku dhufatay in ay haatan goosatay in ay dalka Soomaaliya cagaha dhigto wax kasta oo ku dhaca.
Sawirrada soo dhaweynta Maryan Mursal halkan ka daawo
Maryan waxay isbedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho ay uga mahadcelisay Maxkamadaha Islaamka oo maanta dib ugu soo wareejiyay Guri ay ku lahayd Xaafadda Baar Ubax, kaasi oo mudadii ay dalka ka maqneyd ay dad kale ku noolaayeen, waxayna ugu baaqday Soomaalida kale ee sida iyada dibada ku dhaqan in ay dalkooda yimaadaan oo ay dib u dhiskiisa ka qeybqaataan.
Maryan Mursal waxay sheegtay in markii ay Xamar imaaneysay todobaad ka hor ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay la ahaan weysay in ay ka soo degtay Garoonkii weynaa ee Muqdisho, hadana sida ay sheegtay muddo kadib markii ay meelaha eeg eegtay ayay xaqiiqsatay in garoonkii Xamar ka soo degtay, arrintaasina aad bey u farxad gelisay sida ay Maryan qireyso.
Fanaanadda Maryan Mursal Ciise oo ku faanta midabka madow ee Soomaalida u badan tahay sida ay iyaduba caddeysay ayaa sheegtay in imaatinkeeda magaalada Muqdisho ay ku dhiirigelisay saaxibteed Safiyo Geelle oo Xamar ku nool, taasi oo ay ku soo degtay, waxayna Safiyo oo xafladda ka hadashay ay sheegtay in ay saaxibadeed ku dhiirigelisay in ay Xamar timaado, gurigeedii soo booqato, isla markaana ay indhaheeda ku aragto ammaanka laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Magaalada Muqdisho ammaanka ka hirgeliyeen Maxkamadaha Isalamka waxaa caasimadda Soomaaliya ku soo qulqulayay dad ka yimid dibadaha oo booqasho iyo dalxiis u socda, waxaana dadkaasi kuwii ugu caansanaa ka mid ahaa Aqoonyahannada kala ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Cali Khaliif Galeyr oo labaduba wax ka dhiga Jaamacado ku yaala Dalka Mareykanka.
Ugu dambeyntiina fannaanadda caanka ah ee Maryan Mursal Ciise oo haddii Alle idmo berri dalka ka dhoofeysa waxay u mahadcelisay Agaasimaha Idaacadda Banaadir Axmed Nuur Cali Dhegweyne (Axmed-na) iyo Jabriil Axmed Jilacow oo ka wakiil ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika oo soo qabanqaabiyay xafladdii maanta loo qabtay ee isugu jirtay soo dhaweynta iyo sii sagootinta, waxayna Maryan carrabka ku dhufatay in ay jeceshay in ay dhawaan booqato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika, si ay warbixin uga siiso waxyaabaha ay Soomaaliya ku soo aragtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia