16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Dalka Suudaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 27, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in ay maalinta berri ah u amba baxayaan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

 

Socdaalka Guddoomiyaha ayaa ka dambeeyay  kadib markii Jaamacadda Carabta ay arrintaas kala soo xiriirtay dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii ay uga soo xaadiri lahayd shirka Khartoum ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in seddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka wada hadleen ka qeybgalka shirka Khartoum, isla markaana ay aakhirkii isku af-garteen in uu guddoomiyaha Baarlamaanka wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo xildhibaano iyo Wasiirro isugu jira uu u hoggaamiyo dalka Suudaan.

 

Shirka Khartoum ee lagu dhexdhexaadinayo Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer baaqday kadib markii uu mad madow soo kala dhexgalay dhinacyada la dhexdhexaadinayo, walaw ay inta jeer ee uu shirka dib u dhacayay ay Jaamacadda Carabta waday dadaal ay ku dooneysay sidii uu shirkaas u qabsoomi lahaa.

 

Ma cadda ilaa haatan in Maxkamadaha Islaamka ay shirka tegi doonaan, waxayna ka qeybgalkooda shirka ay ku xireen shuruud ah in ay marka hore dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ay rumeysan yihiin in ay dalka soo gelisay Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).