16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay fariisin Muqdisho ku yaala oo ay deganaayeen Ciidmadii hore ee Mileteriga Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 25, 2006(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadda Islaama Al-Hudaa oo hoos tagta Golaha Maxkamadda Islaamka ayaa xalay la wareegay Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku ugnaayeen ciidamo ka tirsan Mileterigii hore ee Soomaaliya.

La wareegidda xarunta Xisbiga oo aysan Maxkamadda Al-Hudaa ku qaadan waqti badan ayaa howlgalkii ay ku qabsatay Xaruntaas waxaa ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamii Mileteriga, kaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Ilaa 300 oo askari ayaa Xarunta Xisbiga ku sugnaa markii ay la wareegayeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, waxaana xaruntaas haatan ku sugan ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhacdadaas ka soo baxay ayaa sheegaya in ay arrintaas maanta shir ka yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee Mileteriga iyo Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaan Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Indha-cadde, hayeeshee ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).