Khamiis, August 24, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wax u qabaneyso, haddii ay ahaan lahayd in loo dayactiro Dekedda iyo garoonka Muqdisho, Dugsi Waxbarasho iyo Isbitaallo loo furo, isla markaana magaalada Koronto iyo Biyo loo geliyo, balse ay shacabku diidan yihiin in faragelin ciidan lagu sameeyo.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ay qabaan baahi dhinaca adeega bulshada ah, ayna ka gudbeen baahidii ay u qabeen in Amniga loo sugo, “Amniga sugiddiisa annaga ayaa ballanqaadeyna, mana aqbaleyno in naloogu soo gambado amni ayaan sugeynaa” ayuuna yiri Shiikh Shariif oo maanta ka hadlayay xaflad lagu furayay Dekedda weyn ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu ugu baaqay Dowladaha IGAD ee doonaya in ay Soomaaliya ciidamo geeyaan in aan arrintaas laga yeeli doonin, ayna dadka Soomaaliyeed arrintaas dagaal ka xigaan waayo ayuu yiri ma jirto sabab xiliga Soomaaliya loo keeno ciidamo Shisheeye.
Ugu dambeyntiina Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa muddooyinka waxay eedeymo is-daba joog ah u jeedinayeen qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, gaar ahaana Dalalka Itoobiya iyo Kenya oo sheegeen in ay Soomaaliya u soo bax-baxsanayaan iyagoo weliba dhul ka heysta, waxayna mas’uuliyiinta Maxkamadaha eedeyntaas jeediyeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Dowladaha IGAD ay diyaarinayaan ciidamo nabad ilaalin ah oo ka howlgala Dalka Soomaaliya.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia