Khamiis, August 24, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed uu maanta salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhoolatus ku sameynayay Magaalada Baydhabo.
Lama sheegin ujeedada ka dambeysay dhoolatuska ay sameynayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, hayeeshee wuxuu sarkaal ka mid ah ciidamada dhoolatuska sameynayay uu sheegay in soo banaanbixidooda ay la xiriirto taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo weliba xuska sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii uu salaanta qaadanayay ay hareerihiisa joogeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) iyo saraakiil kale, iyadoo madaxweynahana uu xirnaa xiligaas Labiska Ciidamada.
Madaxweynaha ayaa kadib markii uu salaan sharaftaas ku qaatay Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo wuxuu booqasho ugu tegay ciidamo ku xareysan xerooyinka Magaalada Baydhabo duleedkeeda ah oo ay ku jirto xerada Deynuunaay, wuxuuna ciidamadii uu halkaas kula kulmay uu kula dardaarmay in ay u dhabar adeygaan howsha ay u hayaan Shacabka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhoolatuska ay sameeyeen Ciidamadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xerooyinka ay ku xareysan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed laga soo sheegayo daryeel la’aan heysata ciidamada, iyadoo sabab taasi la xiriirtana ay dhawaan u goosteen Ciidamo u xareysnaa Dowladda, kuwaasi oo haatan ka mid noqday Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia