16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Webiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano aad ugu dhow magaalada Jowhar

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 23, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu maanta meel 1km u jirta magaaladaas  uu ka fatahay Webiga Shabeelle oo si weyn u biyo keenay.

 

Biyo xowli sare ku socda ayaa waxay Webiga ka soo jabsadeen dhul dhan  ilaa toban mitir, iyadoo biyihii halkaasi ka soo butaacayna ay qarqiyeen beero dhowr ah oo uu ku yaalay dalag isugu jira Galleey, Sisin, Bariis iyo Yaanyo, kuwaasi oo joogay heerkii la goosan lahaa.

 

Dadweyne aad u faro badan oo qaarkood magaalada Jowhar xoog looga soo kaxeeyay ayaa ka qeybqaadanayay sidii ay u xakameyn lahaayeen biyahaas, iyadoo sidoo kalena maamulka haatan ka taliya Degmada Jowhar ee Maxkamadaha Islaamka  hoos taga uu qorsheynayo in uu biyaha Webiga ee soo buuxsamay uu ka sii daayo Kanaalka Shiinaha oo dhawaan ay dib u dayactirtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee  UNDP.

 

Kanaalkaas ayaa haddii biyaha laga sii daayo waxaa suurtagal noqon karta in ay biyahaas yaraadaan, isla markaana laga badbaado in ay biyaha Webiga ka soo butaacaya ay ku fatahaan meelo kale oo ay ku jirto magaalada Jowhar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).