11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Magaalada Xudur u tegay dhismaha Maamul uu yeesho Gobolka Bakool

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 23, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Xudur waxay u tageen maamul u samyenta Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa 9 xubnood oo isugu jiray xubno ka socday labada gole ee Dowladda ayaa saakay waxay ka raaceen magaalada Baydhabo diyaarad geysay magaalada Xudur, iyadoo halkaasina ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Garsoorka Shiikh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Yuusuf Maxamed Kheyr Guurow.

Siyaasiyiin, Waxgarad, Culumaa’udiin ka socda Degmooyinka Xudur, Waajid, Ceel Barde, Rabdhuurre iyo Tayeeglow oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa magaalada Xudur waxay isugu yimaadeen sidii ay uga arrinsan lahaayeen maamul u sameynta Gobolka Bakool, iyadoo qorshaha maamulka loogu sameynayo Gobolka Bakool uu qeyb ka yahay barnaamijka maamul u sameynta Gobollada Dalka, waxaana xusid mudan in Dowladda Federaalka ay horay maamul ugu sameysay Gobolka Bay.

Qorshaha maamul u sameynta Gobollada Dalka oo haatan maraya gobolkii labaad ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD oo gacan ka geysata nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo dheer bur bur ku soo jiray iyo weliba Hay’adaha UNPOS iyo UNDP.

Dhanka kalena, waxaa maanta isku casilay magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda Federaalka wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumaddii uu shalay soo dhisay Ra’iisal Wasaare Geedi, kaasi oo lagu magacaabo Farxaan Cali Maxamuud oo ku dooday in xilka loo dhiibay uu yahay mid aan u cuntamin beesha uu ka soo jeedo, inkastoo uu u rajeeyay Xukuumadda cusub in ay kalsooni ka hesho Baarlamaanka, isla markaana ay xilkeeda gudato.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka kooban 67 wasiir, isla markaana maalintii shalay ahayd lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay su’aali ka taagan tahay sida ay kalsooni uga heli karto baarlamaanka iyadoo weliba markan ay ka maqan yihiin wasiirro badan oo ku jiray Xukuumaddii hore, kuwaasi oo ay dhici karto in ay ka soo horjeestaan kalsooni siinta Xukuumadda cusub.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).