11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Xildhibaan Barre Hiiraale oo Dadka Jubbooyinka u ballanqaaday in uu xilka ku wareejinayo haddii ay soo dhistaan maamul ay u dhan yihiin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 20, 2006(HOL): Hay’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD xafiiskeeda magaalada Kismaayo ayaa waxay u qabteen siminaar socon doono muddo laba cisho ah guddi hoosaadyada dhismaha maamul goboleedka Jubbaland iyo guddiga farsamo si loo baro waajibaadkooda shaqo laysuna baro xubnaha laftooda.

Siminaarka oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan boqol ruux oo u badan dadkii loo doortay dhismaha iyo abaabulka maamul goboleedka ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen dadkii ka hadlay xafladdii furitaanka tababarka Salaadiin, Ugaasyo iyo Boqorro matalaayey beelaha deegaanka.

Dhamaan dadkii laysugu yeeray dhismaha maamulka in ay ka qeyb qaataan oo intooda badani laga soo kala xulay bulshada ayaa waxay sheegeen in ay tahay waxay u guntanayaan dhisitaanka gobolada saddexda ah si loo gaaro nabad hormar iyo guul.

Waxaan isna boqolaalkii bulshada ahaa hortooda ka qirey in uu xilka Gudoomiye nimo ka tagaayo Xildhibaan Barre Hiiraalle oo sheegay hadii la helo maamul rasmi ah in uu ka tagaayo xubin ahaanshihiisa maamulka Dooxada Jubba, hase ahaatee dadweynaha Jubbooyinka looga fadhiyo dhismo dowlad goboleed badala nadaam la,aanta Jirta.

Tababarkani oo ah mid socon doono tan iyo maalinta beri ah ayaa waxaa laga barayaa sidoo kale xubnaha ka qeybqaadanaaya habka maamulka iyo maareynta si ay u gartaan howlaha horyaala. Dhismaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa iminka u muuqanaayo mid dardar ku soconaaya ayadoo howlahiisuna ay ka sii xoogaysanayaan halkoodii hore.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).