11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in beelaha Soomaalida ay yihiin shan beelood, isla markaana aysan jirin Beel Bar ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 20, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo gacanta ku haya magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanu jiri doonin nidaamka 4.5 (afar beelood iyo barka) ee horay loogu dhisay Dowladdii TNG-da ee Carta Jabuuti lagu dhisay sanadkii 2000 iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee haatan jirta.

Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu uga hadlay labo qodob oo kala ah difaaca dalka iyo diinta iyo joojinta xaalufinta lagu hayo dalka Soomaaliya.

Shiikh C/raxiin waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka dhibaatooyinkii Soomaalida ka dhex dhacay, hadana wuxuu sheegay in xalka arrintaas uu ku jiro Shareecada Islaamka oo wax kasta oo cadaalad ah laga heli karo 100%, “16 sano kadib umadda Soomaaliyeed waxaa u soo laabtay garaadkeedii iyo garashadeedii, waxaana loo baahan yahay in ay ka heshiiyaan dhibaatada dhexdooda ah isla markaana ay isku dhaqaan Kitaabka Qur’aanka”ayuu yiri Shiikh C/raxiin.

Shiikhu waxaa uu ka hadlay tacadiga ay dadka Soomaaliyeed isu geysteen, wuxuuna si kulul u weeraray qaabka loo kala sareysiiyo Umadda Soomaaliyeed oo xiligan loo qeybiyay afar beelood iyo Bar ( 4.5), “hala ogaado maanta wixii ka dambeeya Soomaalida waa siman tahay waana shan beelood, ma jiraan wax la yiraahdo 4.5, dadka la liidana waxaan u sheegayaa in maanta wixii ka dambeeya ay yihiin kuwo buuxa oo beelaha kale la mid ah”ayuu mar kale yiri  Shiikh C/raxiin Cali Muudeey.

Dhinaca Arrimaha Federaalka oo dowladda hadda Soomaaliya u dhisan ay ku saleysan tahay ayuu ka hadlay, wuxuuna laalay in ay jiraan wax la yiraahdo Federaal, “Waxa loo yaqaano Federaal oo laga wado in la kala googooyo Umadda Soomaaliyeed wax ka jira ma laha, Umadda Soomaaliyeed waa Umad isku Diin ah, dhaqan ah, isku af ah  oo dhibaato kasta oo dhexmarta geed hoostiis uga heshiisa”ayuu yiri Shiikha.

“Waxaan meesha ku jirin in 16 sano hadba wadan nala geeyo oo aanan arrimaheena ka tashan, waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in arrimaheena naloo madax baneeyo oo aan annaga dhexdeena ka heshiino, welina aan Muqdisho ku heshiino, maadaama ay Muqdisho nabad tahay, isla markaana ay UN-ka iyo caalamka arkeen nabadda ka jirta  Caasimadda Soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Doorka IGAD ee arrimaha Soomaaliya ayuu Shiikhu ka hadlay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan xiligan loo baahneyn ciidamo IGAD ka socda oo la geeyo Soomaaliya bacdamaa uu is-bedel ka dhacay.

“Waxaa wax laga murugooda ah in maanta Dowladihii IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii aas aasay ay noqoto meel lagu kala qeyb qeybiyo Soomaaliya oo looga soo duulo, isla markaana naloo soo korkaco cadawgeena taariikhiga ah ee xabashida oo ay hoggaamineyso Tigree, taasi kama yeeleyno IGAD mana ogolaan doonno in ay dhacdo” ayuu si kulul u yiri Shiikh C/raxiin.

Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayuu  Shiikh C/raxiin shirkiisa Jaraa’id ku weeraray, wuxuuna sheegay in Maxamed Cabdi Afey uu seddex jeer yimid Muqdisho, isla markaana uu arkay nabadda ka jirta Xamar, “Maxamed Cabdi Afey  oo ah Kenya ninka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya maadama uu indhahiisa ku akay nabadda taala Soomaaliya,waxaan ka fileynay in uu yiraahdo Soomaaliya waa nabad, ciidan shisheeye oo ka dhaqan duwan, isla markaana keeni kara cudurro uma baahna”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo sidoo kale u faray danjire Afey in haddii uu runta sheegi waayay ay Maxkamadaha runta sheegayaan, isla markaana ay ku talinayaan in ay Dowladda Kenya tallaabo ka qaado, xilkana ka qaado sababtoo ah buu yiri uma qalantid.

Wuxuu amaanay Shiikha Dowladaha Jabuuti, Eretrea, Suudaan iyo Yugaandha oo uu doorkooda arrimaha Soomaaliya  ku sheegay in uu yahya mid dhexdhexaad ah, kuwaasi oo ku taliyay in aan Soomaaliya ciidamo la geynin bacdamaa ay iyada is-xalineyso, “waxaa wax aad looga xumaado ah in Dowladaha Kenya iyo Itoobiya maaro looga la’ yahay in ay qabsadaan wadankeena xorta ah, waxaan leenahay ma qabsan kartiin, mana imaan kartaan, haddii aad wadankeena taako aad keentaan ciidamadiina waxaad ku talagashaan dagaal”ayuu si kulul u yiri Shiikh C/raxiin oo sheegay in dowladda Itoobiya ay Soomaaliya soo weerartay 1964kii, xiligaasoo Soomaalida ay xor ahayd kaliya afar sano, mar kalena wuxuu sheegay in ay soo weerartay 1977-kii, balse labada jeerba ay Soomaalida iska difaaceen.

Wuxuu ka hadlay xaalufinta lagu hayo dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in la baab’iyay kheyraadkii uu lahaa, iyadoo xaalufintaasna ay sabab u ahayd dowlad la’aantii ka jirtay Soomaaliya, “maxkamadaha Islaamka waxaa ay 19/08/2006 isku raaceen in la mamnuucay jarista dhirta, iyadoo qofkii lagu helana ay noqoneyso dembi, sidoo kalena wuxuu dembi ku tilmaamay in iyana la dhoofiyo ugaarta uu dalka Soomaaliya lahaan jiray, wuxuuna ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta gobollada dalka in ay deegaanadooda ka dhaqangeliyaan go’aanka ka soo baxay maxkamadaha Islaamka ee mamnuucista xaalufinta Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).