Sabti, August 19, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalintii Khamiistii ay xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, iyagoo la sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan ku dhawaaqista xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ka codsaday Madaxweynaha in la dedejiyo ku dhawaaqista xukuumadda cusub, isla markaana uu mar labaad u soo dirayo wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Syoum Mosfen haddii ay u baahdaan.
Suurtagalnimada in uu todobaadkan soo gaaro magaalada Baydhabo Syoum Mosfen ayay sheegayaan warar aynu ka helnay saraakiil sare oo ka tisan Dowladda Federaalka, taasi oo ka dhigeysa in khilaafka madaxda sare ee Xukuumadda aan looga maarmeynin dhexdhexaadinta dowladda Itoobiya.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia