Wararku waxay sheegayaan in wasiirrada ay ku muransan yihiin seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ay kala yihiin kuwa qabanaya xilalka wasaaradaha Maaliyadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Haweenka iyo Wasaaradda Dib u dhiska.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ku dhegan yahay in Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabo Wasiirkii hore ee Tacliinta Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, horayna dowladdii TNGda ee Carta lagu soo dhisay uga ahaa Wasiirka Maaliyadda, halka uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu ka doonayo in jagadaas uu mar kale dib ugu magacaabao Prof. Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo sidoo kalena la sheegay in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf doonayo in xilkaasi loo dhiibo wasiirkii Xanaanada xoolaha ee isla Xukuumaddii la kala diray Ibraahin Maxamed Isaaq (Ibrow) oo la sheegay in uu yahay nin ku takhasusay in uu yahay arrimaha dhaqaalaha.
Sidoo kalena ciddii loo magacaabi lahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayay wararku sheegayaan in ay qeyb ka tahay caqabadaha haatan taagan, iyadoo la soo werinayo in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ku adkeysanayo in xilkaasi loo dhiibo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, isla markaana uu doonayo in meesha laga saaro Maxamuud Sayid Aadan oo uu Ra’iisal Wasaare Geedi doonayo in loo magacaabo Wasiirka Warfaafinta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayay wararku sheegayaan in sidoo kale uu aad ugu dhegan yahay in ay mar kale Xukuumadda cusub ka mid noqoto Wasiiraddii arrimaha Haweenka Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Prof. Geedi aanu damacsaneyn in uu mar kale dib ugu soo celiyo Xukuumaddiisa cusub, walow ay jiraan warar sheegaya in Shariif Xasan uu ka tanaasulayo magacaabista Wasiiraddan.
Wasiirkii hore ee Warshadaha Cabdi Maxamed Tarax ayaa la soo weriyay in dib ugu soo laabashadiisa Xukuumadda ay tahay arrin muran xoog leh ka dhex dhalisay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyagoo isku heysta in lagu soo daro Xukuumadda cusub iyo in aanu ka mid noqon, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in uu Madaxweynuhu doonayo in Cabdi Maxamed Tarax uu qabto xilka Wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta ee uu horay u hayay Col. Barre Hiiraale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in laga yaabo in uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu ku dhawaaqo Xukuumaddiisa cusub, isagoo ku sheegaya in ay tahay isku shaandheyn, halka ay wararka qaarkood sheegayaan in ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo ay qaar ka mid ah dalalka IGAD ku soo faragelinayaan xiisadda ka taagan dib u magacaabista Xukuumadda Soomaaliya oo ay dalalka qaarkood ku qeylinayaan in aad loo de-dejiyo, xili dowladda Federaalka laga sugayo in ay ka qeybqaadato kulan ay ku wada hadlayaan Golaha Maxaakiimta.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu qoraal u kala diray dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, gaa ahaan kuwa IGAD iyo Jaamacadda Carabta, waxayna warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista Xukuumaddiisa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu ku sheegay in ay lug jiidayaan ku dhawaaqista Xukuumadda cusub.
Muddo labo cisho ah oo la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in aaney wax wada hadal ah yeelan madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, kadib markii ay ku soo kala caroodeen kulankii ugu dambeeyay oo ay ku soo kala caroodeen, kaasi oo dhacay Khamiistii aynu ka soo gudubnay, halka ay kulamo joogto ah yeelan lahaayeen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baalamaanka, walow aan la soo sheegin in weli xal laga gaaray arrimaha shanta wasaaradood ee la sheegay in la isku mari la’ yahay.
By: Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia