Rag caan ah oo madax ka noqday
Talaado, August 15, 2006(HOL): Maamul goboleed la magac baxay Gal-Mudug State ayaa shalay looga dhawaaqay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib shirar in muddo ah halkaasi uga socday waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno u dhashay beesha degta Koofurta Gaalkacyo.
Maamul goboleedkan ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Danjire Maxamed Warsame Kiimiko, halka madaxweyne ku xigeenna looga dhigay Danjire C/salaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabana-cas), sidoo kalena waxaa guddoomiye looga dhigay Gole baarlamaan oo uu Maamul goboleedku leeyahay Dr. Cumar Salaad Cilmi, iyadoo xubnaha golaha Baarlamaankuna ay dhan yihiin 26 mudane.
Guddoomiyaha Maamulkii Koofurta Mudug Iimaan Xasan Jirow ayaa sheegay in ku dhawaaqista maamul goboleedkan uu ka dambeeyay kadib shirar muddo dheer u soo socday dadka dega Koofurta Mudug, kuwaasi oo gartay in ay maamul loo dhan yahay u sameeyaan deegaankooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xiriir wada shaqeyneyd horay u lahaayeen maamul goboleedka Puntland, haatan wixii ka dambeeyana ay xiriirkaas sii xoojin doonaan.
Ku dhawaaqista maamul goboleedkan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dalka Soomaaliya siyaasaddiisa ay tahay mid ku jirta xaalad jaha wareer ah, isla markaana uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Maxkamado Islaami ah oo awooddooda ku sii baahinaya Gobollada Koofurta Soomaaliya.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia