11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Hooyada iyo Xaaska Guddoomiyaha Degmada Balcad ee ay Maxkamadaha Islaamka xireen oo sheegay in loo diiday in ay Xabsiga ku booqdaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 14, 2006(HOL): Hooyada dhashay Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ah Guddoomiyaha Degmada Balcad, isla markaana muddo lix maalmood ah la sheegay in uu ku xiran yahay Xabsiga maxkamadda Islaamiga ah ee Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa sheegtay in ay aad uga wel welsan tahay xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay wiilkeeda.

Makaay Hadaafow Maxamed ayaa sheegtay in ay ciidamada Maxaakiimta ka soo eriyeen xabsiga uu wiilkeeda ku xiran yahay si ay u soo hubiso xaaladdiisa caafimaad, “waxaan aad uga xumahay in wiilkeyga la iska heysto, iyadoo aaney jirin wax cad oo la ii sheegay in uu u xiran yahay, waxaana codsanayaa in si deg deg ah loo sii daayo haddii aan dembi lagu heysan, sida uu qabo Kitaabka”ayay tiri Makaay Hadaafow oo shalay u warameysay Warbaahinta.

Sidoo kalena Xaaska Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo lagu magacaabo Taliso Axmed Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in ninkeeda oo badbaadiyay Warshadda Dharka ee Balcad, isla markaana maxkamadaha ku soo dhaweeyay Magaalada Balcad xabsi looga dhigo abaal-gud, waxayna Taliso Axmed ugu baaqday mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta in si shuruud la’aan ah lagu daayo ninkeeda, iyadoo xustay in xaaladdiisa caafimaad ay haatan tahay mid aad u liidato.

Macallin Xaashi Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ayaa horay u sheegay in arrimo dhaqaale oo uu lunsaday loo xiray Maxamuud Xuseen Gudbaaye, isla markaana ay baaritaan ku socoto arrintiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).