11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Qaar ka mid ah Wasiirradii is-casilay ee Beesha Hawiye oo dacwad ugu tegay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 14, 2006(HOL): Ku dhawaad 15 xubnood oo ka mid ahaa Golihii Wasiirrada ee dhawaantan iscasilay ayaa la soo weriyay in ay dacwad ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi u gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Xubnahan oo la sheegay in ay ka mid yihiin Cusmaan Caato, C/kariin Axmed Cali, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Xirsi Aadan Rooble iyo kuwo kale ayay wararku sheegayaan in ay labadaas mas’uul u sheegeen in aanu Ra’iisal Wasaare Geedi ka tixgelin doonin dhismaha Xukuumadda cusub ee la filayo in uu maanta shaaca ka qaado.

Xubnahan ayay wararku sheegayaan in ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan ay sidoo kale u sheegeen in xubnihii la midka ahaa ee ka soo jeeday beelaha labadan mas’uul ay dib ugu soo laabanayaan Xukuumadda cusub balse uu Prof. Geedi doonayo in uu iyaga kaga aar guto iscasilaaddii ay sameeyeen xiligii ay Xukuumadda Federaalka ku jirtay Qalalaasaha Siyaasadeed.

Wararku ma aaney sheegin in ay ka ballanqaadeen in ay Prof. Geedi kala hadli doonaan arrintooda iyo in kale, wuxuuse mid ka mid ah xubnahaasi uu si hoose ugu sheegay wargeyska Sanca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho in ay samri doonaan mudada lixda bilood ah ee u harsan in mar kale Baarlamaanka la hor keeno mooshin lagu ridayo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geedi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).