Cayaaro kubadda cagta ah oo ay soo qabqanqaabiyeen ururka Virginia Eagle Somali Soccer Association (VESSA) ayaa ka dhacay magaalada Washington DC Metro Area. Cayaarahaan oo ka mid ahaa kuwii ugu xiisaha badanaa ee ka dhaca waqooyiga Ameerika ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxaha kala ah:
1-Toronto Canada
2-Rogester NY
3-Portland,Maine
4-Virginia Star
5-Virginia Eagle
Cayaarahaan oo si habsami ku dhammaaday ayaa waxaa koobkii loo dhigay ku guuleystay kooxdii ka socotay magaalada Rogester, NY. Qabanqaabiyayaashii cayaarahan oo kala ah Cabdirizak Ciise iyo Cabdullahi Haaruun ayaa u mahadceliyey dhammaan kooxihii ka soo qayb galay.
Goobta aya cayaarhaas ka dhacayeen ayeey HOL kula kulantay cayaaryahanka caanka ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Waqooyiga Ameerika Axmed Cabdikariin Walaayo oo loo yaqaano CANTAR JEENYO. CANTAR JEENYO oo ahaa qofkii ugu da’da weynaa ee ciyaartaas ka soo qaybgalo ayaa halkaas ka muujiyey ciyaar xiisa leh isaga oo waliba halkaas dhowr gool ka dhaliyey kooxihii ka soo horjeeday. HOL ayaa wareysi kala yeelatay Cantar taariikhdiisa iyo heerka uu ka gaaray ciyaarta kubadda cagta. Wareysigaas oo maqal ah dib ayaan idiin ku soo tabindoonaa.
Guddoomiyaha ururka SOSCA ee magaalada Toronto, Mr. Xuseen Xaaji Cilmi ayaa u mahadceliyey sida ay ciyaartooyda Washington DC area ugu soo dhaweyeen. Waxayna ku martiqaadeen in ka soo qaybgalaan ciyaaraha sannadka dambe ka dhicidoona magaalada Toronto.
Hiiraan Online