16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Tacsi: Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

- Advertisement -spot_imgspot_img

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN

 

Waxaa bishan 25 Sept 2006 11:00 PM waqtiga Muqdisho ku geeriyooday Isbitaalka Al-Xayaat Halgame Cali Shiddo Cabdi Cumar-Gacaney. Danjire Cali Shiddo Cabdi wuxu ka mid ahaa odayaasha farakutiriska ah ee ka noolaa halgamayaashii SYL.

 

Wuxuna ku dhamaystay noloshiisa cibaado iyo sharaf wanaagsan maadaama uusan ka qayb qaadan dagaaladii sokeeye iyo jabhadihii dhexdooda ka dagaalamay. Wuxuna ku mutaystay sharaftaas in loo bixiyo magacyo ay ka mid ahaayeen Sulux, Maanafeesto iwm.

 

Danjire Cali Shiddo wuxu madax  kasoo noqday ururkii SYL, wuxuna soo qabtay jagooyin sarsare oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye gobolka Hiiraan 1954-55 iyo gobolka Bay sanadihii ku xigay.

 

Sanadkii 1962-66 wuxu danjire ka noqday wadanka Sucuudi Careebiya. Wuxu kaloo danjire ka noqday sanadihii 1968-71 wadanka Faransiiska.

 

Wuxu kaloo soo qabtay jagada Agaasime Guud ee Wasaarada Garsoorka. Wixii ka dambeeyay sanadkii 1971 wuxu u wareegay dhanka ganacsiga wuxuna ka baxay siyaasadii oo uu ka maqnaa ilaa uu ka geeriyooday maanta.

Waxaan tacsi u diraynaa dhamaan umadda Somaaliyeed gaar ahaan qoyska reer Cumar-Gacaney oo uu ka geeriyooday Halgame Cali Shiddo Cabdi. Waxaan leenahay samir iyo imaan Rabi ha idinka siiyo isagana janadii Fardowsa haka waraabiyo.  AAMIIN AAMIIN


Halkaan ku dhaaf tacsida marxuum Cali Shiddo Cabdi

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).