September 8-9th, 2006 waxaa magaalada San Diego ee Gobolka California ee Maraykanka ka dhacay shir si wayn loo soo agaasimay oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo bini’aadamnimo ee Soomaalida gobolka Ogaden. Shirkaas waxaa si wada jir ah u soo wada qabanqaabiyey ururka Codka Nabadda ee Ogadenia ee afka Ingriiska loogu yeedho “Ogaden Voice for Peace” iyo Machadka Nabadda iyo Caddaaladda ee Joan B. Kroc ee jaamicadda San Diego (Joan B. Kroc Institute for Peace & Justice, University of San Diego).
Shirka waxaa hal-ku-dhig u ahaa “Dadaalka nabad waarta oo ka dhalata Ogadeniya” ama “Working Towards a Lasting peace in the Ogaden”. Waxaa lagu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed, bini’aadamnimo iyo sidii nabad looga gaadhi lahaa dhibaatada faca wayn ee dalka Ogaadeniya.
Waxaa shirkaas ka soo qaybgalay xeel-dheerayaal arrimaha gobolka Ogaden iyo guud ahaan geeska Africa, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gobollo kala duwan oo Maraykanka iyo
Abdi Mohamoud oo shirka furay matalayayna ururka Ogaden Voice for Peace. Ururkani waa urur isku xidhi doonaa jaaliyadaha Waqooyi mareykanka dagan ee danaynaysa xaqa ummada Soomaaliyeed ee gobokla Ogaden. Aad wuxuu ugu mahadnaqay umada balaadhan ee ka soo qayb qaatatay shirkan iyo in uu wakhtigii umadani ay soo dhawdahay.
![]() | ![]() | ![]() | ![]() | ![]() |
![]() | ![]() | ![]() | ![]() | ![]() |
![]() | ![]() | ![]() | ![]() | ![]() |
![]() | ![]() | ![]() |
Dr Mohamed Mukhtaar Huseen oo ah asaasaha iyo madaxa Machadka Caalamaiga ee Cilmi-baadhista Somalida Ogaadenya (International Somali-Ogaden Studies Institute) wuxuu ka hadlay taariikhda dheer ee guumeystaha itoobiya uu u dagay ummada soomaaliyeed. Waxaa kale uu ka hadlay ummada Itoobiya in ay dad tirro yar ay maxaabiis u yihiin oo xuquudoodana ay ku tomato.
Saadiq Abdiraxmaan oo ah aqoonyahan u ololeeya xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Ogadenia, hawlo muhiim ahna u qabta ururka Ogaden Human Rights Committee. Said wuu soo hordhigay shirka waraaqihii heshiiska ee ingiriiska iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen iyo sidii ay arrintaasi bilaa sharci u ahayd
Dr. Joyce Neu, Madaxa machadka Nabadda iyo caddaaladda ee Joan B. Kroc ee Jaamicadda San Diego ayaa ka hadashay inta khilaaf ee aduunka ka jirra eey dhex gashay. Joyce waxay la taliye u ahayd Madaxweynihii Mareykanka ee Jimmy Carter. Iminkana dawladda Mareykanka gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada ayaa ka codsatay in ay dhibka ka jirta
Herman J. Cohen oo ah diblomasi Maraykan ah kuna xeel dheer arrimaha geeska Afrika. Ambassador Cohen wuxuu ka hadlay in uu go’aankii uu gaadhay in ay
Fowsiya Abdiqaadir oo ah ka tirsan hawlo muhiim ahna u haysa ururka Ogaden Human Rights Committee qaybta Kanada, gaar ahaan xuquuqda Haweenka iyo carruurta. Fowsiya waxay ka hadashay dhibka qilaafkan dheere uu ugeystay dumarka iyo in culayska dumarka saran.
Kathi Anderson oo ah madaxa ururka dadka ka badbaaday ciqaabaha (Survivors of Torture.
Robert Montgomery oo ah maamulaha dib-u-dajinta dadka qaxootiga ah.
Dr Abdiraxmaan Jaamac barre, Wasiirka arrimaha Dibadda ee hore ee dalka Somalia- Dr. Barre wuxuu si faah faahin badan maalintii labaad uga hadlay dhibka dadka Soomaliyeed ey itoobiya guumeysato ay soo mareen. Taariikhdii dheerayd eey itoobiya dadka ay xuquuqdooda ay ku tumatay. Waxaa kale oo Dr. Barre ka hadlay inta jeer ee la isku dayay in xal arrinta Soomalida gobolka Ogaden laga gaadho.
Dr Ali Khalif Galaydh, Rasiisal wasaarihii hore ee dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee carta. Dr. Galaydh maalintii labaad ayuu si caalami ah uga hadlay siyaasada cusub ee Soomaliya haysata iyo lugta ay Itoobiya ku leedahay. Dr. Galaydh wuxuu si faaf faahin badan uga hadlay in ay ummada soomaaliyeed u baahantahay in ay iyagu dib isugu laabtaan si khilaafka ka dhexeeya iyaga ay u xalin lahaayeen.
Aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka waxay halkaas ku soo bandhigeen xog iyo warbixin isugu jirta taariikh, falanqayn sidii dhibaatadu ku abuurantay iyo sida loo xalin karo iyo kaalinta dadka qurbo joogta ah ay ka gaysan karaan xallinta dhibaatada Gobolka Ogaden.
Dadkii goobta ka hadlay waxay dhammaantood qireen in shacbiga Soomaliyeed ee Ogaden ay xuquuqdoodii maqantahay, loona baahan yahay in loo ololeeyo sidii ay aayo-ka-talintooda ay dib ugu heli lahaayeen.
FAAHFAAHIN DHEERAAD AH, KALA SOO XIDHIIDH
OGADEN VOICE FOR PEACE – WWW.OGADENVOICE.ORG
E-mail: OGADENVOICE@YAHOO.COM