Monday, September 11, 2006
By: C/raxman Ceynte
Ceynte@hiiraan.com
Minneapolis, MN – (HOL) Cod-bixiyayaasha gobolka Minnesota ayaa laga yaabaa ineey maalinta Talaadada ah, oo ku beegan maalinta codbixinta horudhaca ah (primary elections), ineey xariiqaan taariikh aan wali Mareykanka hore uga dhicin. Keith Ellison, oo ah nin madow oo Muslim ah, imminkana ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota, ayaa loollan adag ugu jira siduu Congress-ka Mareykanka ugu matali lahaa Degmada Shanaad ee Minnesota.
Mudane Ellison, oo haysta taageerada ururka Dimoqraadiga, ayaa noqonaya qofkii madoobaa ee ugu horreeyey ee gobolka Minnesota u gala Golaha Congress-ka Mareykanka, iyo Muslim-kii ugu horreeyey ee abid kamid noqda Golahaas, waa haddii la doorta’e.
Mudane Ellison ayaa dhawaanahan dambe booqashooyin xiriir ah ku imaanayey suuqyada iyo masaajidda ay Muslimiinta iyo Soomaalidu ku leeyihiin gobolka. Wuxuu kaloo ka dhex muuqdaa taleefishinada iyo ilaha kale ee warbaahineed ee Muslimiintu isticmaalaan.
Degmada shanaad ee uu mudane Ellison loollanka ugu jiro ayeey kamid tahay magaalda Minneapolis, oo ay aad ugu badan yihiin Muslimiinta iyo Soomaalida. Dadka u dhabba gala codbixinta Mareykanka ayaa aaminsan in, haddii ay jaaliyadda Soomaalidu si weyn isugu soo baxdo maalinta Talaadada ah, uu mudane Ellison leeyahay rajjo ka wanaagsan midd ay leeyihiin labada qof ee tartanka kula jira, kuwaas oo aan xiriir sidaas u sii buuran aan la sameyn jaaliyadda Soomaalida, marka loo barbar dhigo Ellison.
Meelihii uu mudane Ellison ka hadlan dhowrkii toddobaad ee ina dhaafay waxaa kamid ahaa: Shir dhaqaale loogu uruurinayey isbitaallada magaalada Muqdishu xilligii uu socday dagaalkii hoggaamiye kooxeedyada iyo Maxkamadaha, iyo waliba shir dhaqaale loogu uruurinayey jaamacad laga hirgalinayo magaalada Kismaayo.
Shaqaalaha tartanka Ellison waxaa kamid ah Nimco Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo khibrad durugsan u leh howlaha loollanka siyaasadeed ee Mareykanka.
“Keith Ellison wuxuu diyaar u yahay inuu caawiyo, waxna ka qabto dhibaatooyinka Soomaalida,” ayeey tiri Nimco.
Ballamaha uu mudane Ellison sameeyey waxaa kamid ah inuu u codeyn doono in ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalka Ciraaq, isla markaana nabadgalyo iyo wadahadal lagu dhameey khilaafyada ay Mareykanku kula jiraan dalalka caalamka.
C/raxman Ceynte waxaad kala xiriiri kartaa e-mailka ah: Ceynte@hiiraan.com