16.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Adigoon Digniin Qabin Yaan Aydhis kugu dilin Daafaha Adduunyada

- Advertisement -spot_imgspot_img


  Maxamed Maxamuud Xassan (Gaani)


 


Gabayga soo socda wuxuu ka hadlayaa Cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka oo fara ba’an ku haya dalalka Africa ee ka hooseeya saxaaradaha, gaar ahaana dalalka deriska la ah dhulkeena Soomaaliya,  Gabayga waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Maxamuud Xassan (Gaani) sannadkii 2000.   Waxaa kale oo Abwaanka oo aqoon iyo xirfad u leh field-ga caafimaadka uu ka mid yahay Cudurkan HIV/AIDS uu  erey bixin u sameeyey cudurka AIDS-ka, Jeermiga keena ee HIV, xilliga uusan isku ogen qofku marka cudurku haleelo ee loo yaqaano Window Period, iyo weliba cinjirka  loo yaqaano Condom-ka. Erey bixintiina waa sidan:











English


AF Soomaali


Acquired Immunodeficiency Syndrome:   AIDS


Haleelidda Astaamha Difaacla’aanta:     HAD


AIDS: HAD – Had macnaha Soomaali ahaan ay leedahay waa Geeri cudurkanina wuxuu ku dhammaadaa Geeri. Ingiriiska waa 4 xaraf laakiin Soomaaliga waa 3 xaraf keliya oo weliba macne samnaynaysa oo HAD macne af Soomaali ah ayay leedahay waa tan Soomaalidu tiraahdo ama Hali waddey ama Hadi waddey.












English


AF Soomaali


Human Immunodeficiency Virus:    HIV


Fayraska Idleeya Difaaca Aadamiga :     FIDAA


 







HIV: FIDAA: Waxay ka kooban tahay macnihii oo la soomaaliyey, marka labaadna waxay qeexeysaa inuu yahay cudurkani mid la is qaadsiiyo kolka labadaas macneba waa ku habboon yahay. Maaddaama afkeennu wax la gudban Fayras aanu lahayn uuna yahay Cudur-sababaha oon laga tegi karin sidiisa ayaan  u qaadanaynaa.


CONDOM: LINGAX AMA NINGAX : Lingaxa waxaa laga sameeyaa dhud maro laga jeexay ama Mayrax laga soo diiray geed qodxeedyada sida quraca oo kale, ama geedaha aan qodaxdaba lahayn sida Qararrada. Waa la calaliyaa ilaa ay jileec awgiis ka gaarayso heer ay tifmi karto kolkaa ayaa la kala dhexgeliyaa labada shay ee la isku daboolayo si tifqaan-ka looga ilaaliyo iskaba daa daadashada’e. Suugaantu waa diiwaanka Af Soomaaliga’e si aad lingax wuxuu yahay u ogaatey bal dib u milicso kolkii ay khadro Dahir lahayd HAANTA AAD KU LULATANA LINGAX WAAD U WEYDAA.   


Waxaan kale oo oran karnaa Cawrogale ama tifqaan-celiye,waxaase weli kaga sii habboon in la qaato Lingax/Ningax maaddaama ay isaga iyo Condom-ka ka dhexeysa inay tifqaan celin sameeyaan.


Windows period:     ISMOOG: Waa xilliga uu qofka cudurku haleelay, laakiin uusan isku ogeyn, calaamadihii waaweynaana anay ka soo if bixin,  aanuna war isu hayn oo ay sahlantahay inuu

 


Wuxuu Abwaanku ku bilaabay gabayga;


 


Adigoon Digniin Qabin                      Yaan Aydhis kugu dilin         


Daafaha Adduunyada                       


                         


                        A                                                         B


 



  1. Soomaali dibaddiyo                Dalka qaybta joogtaba
  2. Waxaan daacad ugu iri          Adigoon digniin qabin
  3. Yaan Aydhis kugu dilin          Daafaha Adduunkee
  4. Farriintaan ku soo durug
  5. Cudurrada dilaaga ah            Ee dunida soo maray
  6. Kii ugu darraayoo                  Dadow kahortag mooyee
  7. Dawo aan lahayn iyo              Aydhis baa dalkii yimi          
  8. Dilaa weeye cuduroo             Dacallada aduunyada                       
  9. Doc kastaba u fidayoo           Malaayiin qof dilayoo                       
  10. Weli dooni qaar kale              Inuu Aakhiro u diro

                 



  1. Diin kastaba ha haystee        Qofkii mara dariiqada
  2. Dilaagani ku fidayaba            Cudurkaani deyn maa

 



  1. Degaamada Adduunyada      Afrikada dadkeedaa             
  2. Cudurka ugu daranoo            Weliba dalalka saxaraha      
  3. Docda hoose kaga yaal         Ee deriska aan nahay                       
  4. Ayuun bawgu sii daran

 



  1. Jabuutida docdeeniyo            Dalka reer Itoobiya
  2. Keenyada dadkeennii            Iska wada dangiigiyo
  3. Suudaan dacalladeediyo        Ugaandhaaba ugu  daran
  4. Taariikhda duugga ah            Dib haddaan u eegnana
  5. Duumo iyo Qaaxiyo               Dagaallada sokeeyuhu
  6. Wixii ay dad laayeen             Marka laysku wada daro
  7. Intii Aydhis diley-baa Dadweynow ka tiro badan

 



  1. Soomaalaay dilaagani            Degganaansho guud iyo
  2. Dadaal ka hortag mooyee     Ogow daawo malahoo
  3. Dariiqaduu ku fidayana         Aan kuu daliishee
  4. Waxaa loogu dawgalay          Gogol dhaaf la doontiyo
  5. Dhiig laysu deeqoon              Cudur daadaheeyaha
  6. HIV-ga laga deyin                  Hooyo cudurku degeshadey
  7. Mandheertiyo dunteediyo     Danbarka caanaheeday
  8. Cunuggii ay dihataba Cudurkaaan dilaaga ah
  9. Ugu dawin karaysaa

 



  1. Aaladaha ditoorrada              Dadweynaha qalaayoo
  2. Disinfektantigii iyo                Istuufada u diidiyo
  3. Durriinka iyo dhaymiyo         Rayiislaha docdaadiyo
  4. Dalqadoo la gooyiyo              Daan gaws ka bixintiyo
  5. Wax kastoo dub sara oo        jirka dhiig ka daadshoo
  6. Jeermigoo an laga dilin          Dadka lala wadaagaa
  7. Waa dariiqo kale oo               Dilaagani ku faafee
  8. Dadweynow ogsoonow

 


 



  1. Haddaan kuugu sii daro         Dilaagaani kumafido             
  2. Dab in layska qaatiyo            Gaadiid dadweyniyo
  3. Doon laysla raaciyo               Dariiq laysla qaadiyo
  4. Durdur lagu qubaystiyo         Berked lagu dabaashiyo
  5. Dadkoo oon wadaagiyo         Derisow ma nabadbaa

 



  1. Qofka cudurku degeshado    Difaacii jirkiisiyo
  2. Awoodduu dilaayoo                Xummad aad u daran iyo
  3. Shuban uu ku daahiyo            Dushiisoo dhammaatoo
  4. Diriq uu ka dhuubtiyo            Qufac uga danbeeyiyo
  5. Dubka  iyo maqaarkoo          Cun cun laga dareemiyo
  6. Qanjabarar ka daahira          Ayaa duulka kale iyo
  7. Dadka looga soocaa 

 



  1. Dalka inuu ka jiro iyo            Inuu yahay dilaa aan             
  2. Loo hayn daweyn iyo Haddaan sheegay dawguu    
  3. Dadka ugu gudbaayaba         Waxaan kuugu darayaa        
  4. Dariiqa u habboonee              Dadku uga hortegayee                     
  5. Ila soco dadkaygow

 



  1. Waa tii Daa’imkeen yiri        Inaan dalaq niraahnoo
  2. Doonananaa ha joogtee         Dadow ha u dhowaanina
  3. Zino daalibkeedee                  Walaa taqrabu zinaa
  4. Dadow ha u dhowaanina        Zino daalibkeedee..
  5. Taas iyo daraadeed               Yaan loo degdeginoo
  6. Macsi yaan la doonane          Dumar iyo rag labadaba
  7. Aan ka joogno dibadaha        Dariiqyada kaleetee
  8. Dilaagani ku faafana             Halla baro dadweynaha
  9. Si Digtooni loo helo

 



  1. Imminkana dadkaygow          Aan kuugu daba karo
  2. Waanadaydan doorka ah       Mar hadduu dalkii yimi
  3. Deriskana ku badan yahay   Daawona an loohayn
  4. dadkeenuna u yaaceen          Daafaha Adduunyada           
  5. Digtoonaanta cudurkaas       Waa inaan dareennoo           
  6. Dumar iyo rag labadaba        Laysu wada diyaarshaa
  7. Oo aan dadweynaha               Wacyigelinta laga deyn        
  8. Dar Alliyo nasiibkiis              Qofkii cudurku degeshado
  9. Waa inaan la dayrino Dadka laga takoorine
  10. Isagana daryeellaa                Sidii duray inuu qabo
  11. Waxan ugu danbaynti            Kugu iri dadkaygow              
  12. Si aan Aydhis kuu dilin          Adigoon digniin qabin           
  13. Qof kastow dadaaloo Farriimahakan doorka ah     
  14. Deriskiyo naftaadiyo             Gaarsii dadweynaha             
  15. Hadayicine kuna dhaqan       Illeyn waa dantaadee..

Maxamed Maxamuud Xassan (Gaani)


Email: mmhgani@yahoo.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).