Waxaa habeenimadii Jimcaha ee bishan Luulyo 1 deedii ka dhacay xaflad si aad ah loo soo agaasimey wadanka China caasimadiisa Beijing. Xafladaasi oo ay soo qabanqaabisey safaarada Jamhuuriyada Federalka Somaliyeed ee ku taala dalka China magaalo madaxdiisa Beijing. Xafladan oo ahayd mid ku maamusnayd sanad guuradii 46aad ee xornimada Dalkeena hooyo, sidoo kale xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada wadan ee Somalia iyo China. Hadaba waxaa si aad ah u soo buux dhaafiyey hoyga safaarada ee xafladu ka dhacaysey Diblomaasiyiin reer China ah, safiiro u fadhiya wadamadooda wadanka China, soomaalida degan halkaasi iyo marti sharaf kale ee aad usoo dhaweeyey kulankaas.Waxaana dhamaan martidaasi ay aad u soo dhaweeyeen sida dhaqsaha leh ee qarankii soomaaliyeed oo dagaaladii sokeeye kadib aan la arag ay mar kale ugu soo noqdeen masraxa aduunka iyagoo soo jiidanaya indhaha beesha caalamka oo dhan. Waxaa ka mid ahaa dublamaasiyiintii
ka soo qeyb gashey xafladan Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee China Mudane . Mr. Cui Tian Kai iyo ku xigeenka xoghayaha joogtada ee Wasarada Arimaha dibada Mr.Shao. Mudane . Mr. Cui Tian Kai iyo Mudane Mohammed Awil Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka China oo ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan halkaas oo Safiirku uu ugu mahad celiyey Dowlada China mucaawinooyinkii iyo Mashaariicdii ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed laga bilaabo 1960 ilaa iyo maanta, taasna waa mid madaxda Jamhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Shacabkeeduba aysan marnaba iloobi doonin ayuu yiri safiirku . isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mudane Mohamed Awil uu ku booriyey sidii dawlada China ay uga qeyb qaadan lahayd mar kale dib u dhiska wadanka iyo taakuleynta dawlada federaalka ee ku meel gaarka ah, una sii wadi lahayd dhameystirka nabad ku soo dabaalida wadanka soomaaliya. Sidoo kale ayaa wasiirkuna waxa uu Hambalyo u direy dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaana dawlada federaalka ku meelgaarka ah, isagoo si aad iyo aad ah ugu riyaaqay in Somaliya ay kusoo noqotay doorkii ay Caalamka kaga jirtay waxaanan ku faraxsanahay buu yiri sida dhaqsaha leh ee Safaaradu ugu adeegeyso shacabkeeda, una hagaajinayso wada
shaqeynta labada dawladood iyo wakiilada caalamka ee ku sugan Beijing. Xaflad tan oo kale ah waligeed kamaysan dhicin Safaarada waxaana aad iyo aad ay ula yaabeen dhamaan Diplomaasiyiintii halkaasi yimid isbadalka weyn ee xawliga ku socda ee Safaarada Soomaliyeed ee Beijing ay ku samaysay mudo bilo gudaheed ah. ayagoo dhamaan u Hambalyeeyey shacabka soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaanba…
DAAWO SAWIRADA XAFLADA IYO QAAR KA MID AH SAFIIRADII XAFLADAASI KA SOO QEYB GALEY