
Talaado, 25 July 2006(HOL): Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall ayaa maanta markii ugu horeysay gaaray Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegeen Maxkamadaha Islaamka.
Wafdiga oo ka degay garoonka Diyaaradaha Ceseley ayaa waxaa lagu soo wareejiyay meelo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah, sida garoonkii diyaaradaha Muqdisho iyo goobo ay ka talin jireen hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho laga saaray, iyadoo ay sidoo kalena xusid mudan tahay in wafdiga qado laga soo siiyay Hotel magaalada bartankeeda ku yaala.
Intaas kadib wafdiga waxaa la geeyay xarunta Golaha Maxkamadaha oo u dhow Hotelka Ramadaan, iyadoo halkaasina ay kulan ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo uu horkacayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Sheikh Shariif oo ugu horeyn warbixin siiyay wafdiga uu hoggaaminayay Ambassador Fall ayaa waxaa uu ka taariikheeyay isbedelka ku dhacay magaalada Muqdisho iyo sida ay ugu guuleysteen in ay Muqdisho ka xoreeyaan hoggaamiye kooxeedyo muddo dheer ka talinayay kuwaasi oo ka hor taagnaa shacabka in ay sharci, kala dambeyn iyo maamul ay helaan.
Shiikh Shariif waxaa uu u cadeeyay wafdiga Qaramada Midoobay ka socday in Shacabka Soomaaliyeed ay xuquuq badan ku leeyihiin UN-ka, “waana in ay helaan xuquuqda ay leeyihiin nooca ay doonto ha ahaato siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan, waxaan caddeyneynaa in aan wada hadal diyaar u nahay, laakin caalamka waxaan u sheegeynaa waxa caalamka baabi’iyay waa Itoobiya, Caalamkana waa in uu meel cad ka istaagaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Wafdiga Qaramada midoobay ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif waxaa uu UN-ka ku dhaliilay in uu maqan yahay kaalinkooda Soomaaliya, wuxuuna Kofi Anan iyo Fall uu si gaar ah ugu dhaliilay in iyagoo Afrikaan ah ay hadana arrimaha Afrika aysan xoogga saarin, hayeeshee waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uusan hadalkiisaas dacwad ahayn, isla markaana laga macaamili karo.
“Itoobiyaanku waxaa ay soo galeen Soomaaliya markii uu soo baxay hadalka sheegayay in cunaqabateynta hubka laga qaadayo Soomaaliya, taasina waxay ahayd arrin ay UN-ka u fududaadeen”ayuu yiri Shiikh Shariif oo carrabka ku dhuftay in Qaramada Midoobay looga fadhiyo in ay garbaha saarato mas’uuliyadda ah in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka Soomaaliya.
Wuxuu ka hadlay Shiikh Shariif wada hadallo dhexmara dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna si cad u sheegay Shiikha in aaney wada hadal diyaar u ahayn inta ay dalka Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, “Wixii aan wafdiga ugu dirnay wada hadallada wejigooda labaad waxay ahayd in aan diyaar u nahay in xal loo helo arrinta Soomaaliya, welina waxaan caddeyneynaa in aan diyaar u nahay”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif.
Intaas kadib waxaa isna kulanka ka hadlay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francois Lonseny Fall, wuxuuna sheegay in uu Muqdisho ku arkay waxyaabo cajiib ah oo ay ka mid yihiin ammaan la isku haleyn karo oo ay dadku shaqeysan karaan, si xornimo ah ay ugu socdaali karaan meeshii ay doonaan, isla markaana ay ku aadi karaan meeshii ay doonaan.
“Muddo 15 sano ah amni aanan ka jirin magaalada Muqdisho ayaa haatan ka jira, taasina waxaa suurtageliyay oo ku amaanan Maxkamadaha, intii aan magaalada ku soo wareegeynay ma aanan arkin wax hub ah oo magaalada lala dhex socdo, kaliya waxa aan arkeynay waxay ahaayeen gaadiid iyo ciidamo roondo sameynaya”ayuu yiri Ambassador Fall oo Maxkamadaha Islaamka ka codsaday in ay sii adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeybgalaan Wada hadalka Khartoum.
Ambassador Fall waxaa uu maxkmadaha u xaqiijiyay in aanu UN-ka sameynin wax lid ku ah Maxkamadaha, wuxuuna tilmaamay in Qaramada Midoobay ay dhiirigelineyso wada hadallo iyo heshiis dhexmara dhinacyada Dowladda iyo Maxkamadaha Islaamka.
“Waxaan rumeysanahay haddii aad walaalahiina la fariisataan oo aad wada hadashaan in aad heshiis gaari doontaan, taasina waa arrin muhiim ah haddii ay dhacdo”ayuu yiri Fall oo sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu hordhac u yahay wafdi ka socda UN-ka oo u imaan doona arrimo Bani’aadannimo.
“waa run in IGAD iyo Midowga Afrika ay ka codsadeen Qaramada Midoobay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in UN-ka uu arrintaas ku xiray shuruud ah in qorshe cad laga keeno arrimaha qaadista cunaqabateynta” ayuu yiri Danjire Fall oo ku cel celiyay in haddii ay dowladda iyo Maxkamadaha isu tagaan xal loo helayo waxyaabaha la isku hayo.
Shiikh Shariif Guddoomiyaha Maxkamadaha ayaa mar kale hadalkii ku soo noqday wuxuuna sheegay in uu farriinta Koffi Anan ka guddoomay, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay dhaliil u hayaan UN-ka taasi oo ah in uusan wax ka qaban arrimo badan, balse hadana ay haatan wax badan qaban karaan, “arrinta qaadista cunaqabateynta waa mid Qatar ku ah Soomaaliya, waxaa la yaab leh in Dowladda Federaalka ay leedahay Itoobiya ma joogto, Meles Zenawina uu leeyahay waan ku jirnaa”ayuu yiri Shiikh Shariif oo warbixintiisa si kulul ugu weeraray dowladda Itoobiya.
“Itoobiya ayaa diidan in ay Xamar nabad noqoto, Soomaaliya in ay goo-goo’do dowladihii loo soo dhisayna ay ka shaqeyn waayaan Itoobiya ayaa mas’uul ka ah, tusaale cad ayaan ku siinaa; markii Xamar nabad laga dhigay oo nimankii joogay laga saaray Itoobiya waxay soo gashay dalka, waxayna nimankii Muqdisho ka cararay ay qaar tageen Baydhabo, qaar kalena waxay tageen Itoobiya, dibna waa loo soo hubeeyay”ayuu yiri Shiikh Shariif oo caddeeyay in Itoobiya si ay u kala goyso Soomaaliya ay Somaliland, Puntland iyo gobollada kale ee dalka ay si kala gooni ah ula xiriirto.
Shiikh Shariif waxaa uu iska diiday in ay jebiyeen heshiiskii Khartoum, “Khartoum waxaa ku wada hadlay Maxkamadaha iyo Dowladda, xubnihii Isbaheysigana shirkaas kama qeybelin, Dowladdana waxay sheegtay in aysan metelin, marka wax iska khuseeyay ma jirin dagaalkii aan ku qaadnay xubnihii ka haray isbaheysiga la-dagaalanka argagixisada, welina ma jiro dagaal dhexmaray dowladda iyo Maxkamadaha, hadana waxaan caddeyneynaa in uusan jiri doonin dagaal ay Maxkamadaha doonayaan in ay ku qaadaan Baydhabo.
Wafdiga ayaa markii ay dhameysteen kulanka ay la qaateen Maxkamadaha waxaa ay dib ugu laabteen magaalada Nairobi oo ay markii hore ka soo duuleen, walow ay horay u soo mareen Magaalada Baydhabo oo ay kula soo kulmeen seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo Danjire Fall u xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeybgalaan kulanka Khartoum oo 1da ama 2da Agoosto ka dhici doona Magaalada Khartoum.
Ugu dambeyntiina waxaa iyana maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Wafdigii metelayay maxkamadaha Islaamka kaasi oo uu horkacayay Dr. Ibraahim Xasan Caddow, iyadoo xubnihii wafdigaasna ay sheegeen in ay Xamar ku soo noqdeen kadib markii ay waayeen cid ay la hadlaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia