16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Finland: Mukhtar Abib oo la siiyay Abaalmarinta bani’aadanimada ee Laanqeyrta Cas

- Advertisement -spot_imgspot_img



Abaalmarinta bani’aadanimada ee Laanqeyrta Cas ee Finland ayaa sanadkan la siiyay oo ah social worker. Muhimahada Mukhtar loo siiyay biladan waxay tahay howsha ballaaran oo uu ka qabtay horumarinta qaab nololeedka dhalinyarada soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah oo uu la shaqeeyo. Mukhtar sidoo kale wuxuu ku dhiirigeliyey ajnabiga wadanka Finland degen inaysan sugin in dad kale wax u qabtaan oo iyagu usoo jeestaan siday baahidooda wax uga qaban lahaayeen.








Guddoomiyaha Laanqeyrta Cas ee Finland Kalevi Kivisto iyo Mukhtar Abib





Mukhtar wuxuu yiri qof walba oo bulsho cusub ku soo kordhaa aad ayey u adagtahay inuu isla markaas ka qeyb qaato horumarinta iyo wax wadaqabsiga bulshadaas cusub. Ajnabiga iyo qaxootigana waxay u baahanyihiin dhiirigelin si codkooda u soo bandhigaan.

Xoghayaha guud ee Laanqeyrta Cas ee Finland Marwo Kristiina Kumpula ayaa waxay sheegtay in Mukhtar shaqada uu qabtay ay tilmaan u tahay in ajnabiga Finland degen ay yihiin qeyb ka mid ah shacabka Finnishka. Marwo Kristiina waxay sii raacisay in Mukhtar uu qibrad u leeyahay arimaha bani’aadanimaada biladan ay Laanqeyrta Cas ee Finland siisayna ay ku dhiirigelinayso inuu shaqadiisa wanaagsan halkaas ka siiwado.

Mukhtar wuxuu yiri dadweynaha Finnishka ahi waa inay u arkaan ajnabiga halkan u soo guuray inay yihiin qeyb ka mid ah bulshadan asalkooda hore wuxuu doonaba ha ahaadee. Muhimaduna waxay tahay in la is weydiiyaa sidee ayaan aqoonta ajnabiga looga faa’iidaystaa, arintan waxay u baahantahay wadashaqay labad dhinac ah.

Bilada abaalmarinta bani’aadanimada waxaa sanad walba la qeybiyaa toddobaadka Laanqeyrta Cas. Biladan waxaa la bilaabay in la bixiyo 1989-kii. Biladu waa mid maar ah oo ay sameysay Laila Pullinen. Sanadkii la soo dhaafay waxa biladan la siiyay Crisis Psychologist Salli Saari sandkii 2004 Doctor of dentistry Helena Ranta.

Biladan qiimaha leh waxaa mukhtar gudoonsiiyay Gudoomiyaha Laaqeyrta Cas ee Finland Mudane Kalevi Kivisto .


- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).