By: C/raxman Ceynte
Minneapolis, MN (HOL) Muslimiinta ku nool nawaaxiga Minneapolis iyo St. Paul ayaa ku iibsaday masjidka Dar-alhijra ee ku yaalla xaafadda ay Soomaalid ku badan tahay ee Cedar lacag dhan $400,000 (Affar boqol oo kun).
![]() |
Photo: Courtesy of Dar-alhijra mosque |
Masjidkan oo ka kooban saddex dabaq, qaadana 800 qof markiiba ayeey Muslimiintu kiro ugu jireen tan iyo bishii August sanadkii 1998, iyagoo bixin jiray $4,500 (affar kun iyo shan boqol) bishiiba.
Dar-alhijra wuxuu noqonayaa masjidkii ugu horeeyey ee ay Muslimiintu milkiyaan dhanka xaafadda Cedar, inkastoo saddex masjid oo kale ay ku yaallaan aaggaas.
“Tallaabadani waa horumar weyn oo Muslimiinta Minnesota u soo hoyatay.” ayuu yiri Imaam Shariif Cabdiraxman oo horkacay olole ballaaran oo lagu gadanayo masjidka, kadib markii milkiilihii uu beeciyey bishii May ee sanadkii hore, loona qabtay illaa iyo bishii January ee sanadkan.
Imaam-ku wuxuu sheegay in lacagta badankeeda ay bixiyeen jaaliyadda Soomaalida, walow xoogaa ay ku dareen Muslimiinta kale.
Wuxuu kaloo sheegay in masjidu uu leeyahay howlo kale oo aan salaadda kaliya aheyn.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
“Waxaana nahay xarun dhameystiran oo leh barnaamijyo iyo adeegyo kala duwan.” ayuu yiri imaam Cabdiraxman.
Masjidka waxaa ku yaalla dugi Qur’an iyo xarun caafimaad oo lix maalmood ay ka howlgasho kalkaaliye caafimaad, taasoo si bilaash ah dadka uga baarta cudurro ay kamid yihiin dhiig karka iyo sonkorowga. Marmar-na waxaa yimaadda dhakhtar Soomaaliyeed oo bixiya duruus ku saabsan cudurrada halista ah ee Tiibishada iyo AIDS-ka.
Imaamku wuxuu kaloo sameeyaa talo bixinta qoyska iyo xallinta khilaafaadka.
Salaaddii Duhur kadib maalintii Sabtida, oo aheyd maalinta labaad ee masjidku uu Muslimiinta hanti u ahaa, ayuu Imaam Cabdiraxman uga mahad celiyey tukadayaashii deeqsinimadooda, kadibna ku marti-qaaday xaflad ay isku guursanayaan laba kamid ah firfircoonayaasha masjidka. Dabaqa labaad oo si qurux badan loo xardhay ayaa nikaaxu ka dhacayaa. Dhalinyaro ayaa diyaarineysa nikaaxa, iyagoo isticmaalaya computer-ka laptop-ka.
“Taasina waa adeeg muhiim ah oo uu masjidku qabto.” Ayuu yiri Imaam Cabdiraxman oo nikaaxa sameynaya.
Muslimiin lagu qiyaasay 150,000 oo in bar kabadan ay Soomaali yihiin ayaa Minnesota ku dhaqan. Ugu yaraan 10 masjid ayaa leeyihiin, 20 kalena waa kireystaan.
Maamulka Dar-alhijra wuxuu ku rajjo weyn yahay in la dayactiro dhismaha gaboobay ee masjidka.
C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis, MN
Ceynte@hiiraan.com