10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Nabadoon kamid ahaa odayaasha dhaqanka degmada Badhan oo ku geeriyooday duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Sanaag

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 13, 2025 (HOL) – Nabadoon Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan, ayaa galabta ku geeriyooday duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal aan la aqoonsan cidda iska leh.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay degmada Ceel-buh isagoo wata gaarigiisa gaarka ah, waxaana la socday nin aan si fiican loo aqoonsan oo saddex habeen la joogay degaankaas.

Goobjoogayaal iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in labadooduba ay ku dhinteen duqeynta, iyadoo aan la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah ee weerarkaasi. 

Warar madax bannaan ayaa tilmaamaya in ninka la socday nabadoonka uu afartii habeen ee lasoo dhaafay deganaa hotel ku yaalla degaanka Ceel-buh.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in gaariga la duqeeyey uu lahaa Nabadoon Cumar, kaasoo ahaa nin caan ka ah deegaanka, isla markaana door muuqda ka ciyaari jiray xallinta khilaafaadka iyo arrimaha maslaxadda bulshada.

Ilaa hadda ma cadda cidda ay diyaaraduhu beegsanayeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ay arrintani quseyso.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).