10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Xarunta Cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, September 13, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka. 

Xaruntan oo si casri ah loo dhisay, ayaa lagu qalabeeyay tignoolajiyad sare oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda istaraatiijiyadeed ee ciidamada qalabka sida, loogana hortago khataraha amni ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaruntan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga iyo difaaca. Waxa uu carabka ku adkeeyay in xaruntani ay si weyn uga caawin doonto ciidamada hawlgallada sahanka, xog ururinta, iyo qorsheynta istaraatiijiyadda amni ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in horumarka laga gaaray dhismaha xarunta uu astaan u yahay isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamada qalabka sida, kuwaas oo naf iyo maalba u huraya difaaca dalka.

Intii uu socday munaasabadda, Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka.

Waxa uu xusay in dowladdu ay si buuxda uga go’an tahay in la sii dardargeliyo dadaallada ku wajahan sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer rasmi ah ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, Intii uu halkaas ku sugnaa, waxa uu dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ciidamada iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka gaareen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).