10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar Qaraxyo ku bilowday oo Al shabaab ay ku qaadeen Degmada Ceeldheer

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay halkaas ku dhexmaray ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Goob-joogayaal ku sugan Ceeldheer ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu ahaa mid xooggan oo muddo saacado ah socday, Sida ay sheegeen dadka deegaanka, khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa aad u badan, iyadoo meydadka iyo dhaawacyada xubnaha Al-Shabaab lagu arkayo bannaanka magaalada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, oo ka hadlay dagaalka, ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay si geesinimo leh u difaaceen magaalada Ceeldheer, ayna ka hortageen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada. 

Wasiir Fiqi ayaa intaas ku daray in kooxda weerarka soo qaaday aysan awoodin inay dib ula laabtaan meydadkooda iyo dhaawacyadooda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar, ayaa si adag u beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ahayd inay la wareegeen magaalada. 

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay sheegashadaas mid been abuur ah oo lagu marin habaabinayo shacabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in “Al shabaab lagu dhigay cashar lama illaawaan ah”, iyadoo la xaqiijiyay in ciidanka xoogga dalka ay laayeen tiro badan oo ka tirsan kooxda, meydadkoodana ay daadsan yihiin daafaha magaalada Ceeldheer.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo hawlgallo qorshaysan ay muddooyinkii u dambeeyay ka socdeen gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan bartamaha dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).