10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

UK: Nin Soomaali ah oo ka badbaaday xabsi kadib markii uu candhuuf ku dhuftay booliis

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Shaafi Mohamed, oo 30 jir ah kana yimid Soomaaliya, ayaa ka badbaaday xabsi kadib markii uu Candhuuf ku tufay sarkaal booliis ah oo la yiraahdo PC Browning.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday hotel ay degan yihiin dadka magangelyo-doonka ah ee ku yaalla magaalada Bournemouth ee dalka Ingiriiska.

Maxkamadda ayaa siisay ninkaan 12 bilood oo digniin ah, taasoo micnaheedu yahay in hadda aan la xirin balse haddii uu dambi kale galo 12-ka bilood ee soo socda, dambigan hore iyo kan cusub labadaba hal mar lagu ciqaabi doono.

Booliisku waxay sheegeen in markii ay yimaadeen hotelka in uu ninkan aad u sakhraansanaa, isagoo cabay nus dhalo vodka ah iyo dhowr biir ah. Markii ay isku dayeen inay xakameeyaan, waxay u baahdeen booliis kale oo ka caawiya.

Intii ay qabanayeen ayuu si ula kac ah candhuuf ugu tufay sarkaal katirsan booliiska. Maxkamadda ayaa u xukuntay sarkaalka £50 magdhow ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).