10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Kenya oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa shaaca ka qaaday isagoo jeedinayay warbixin dublamaasiyadeed sida uu amniga dalka Kenya ula xiriiro xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Kenya uga go’an tahay inay si firfircoon uga qaybqaadato hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan “AUSSOM”.

Mudavadi waxa uu sheegay in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo aad u baaxad weyn, kuwaas oo halis gelin kara howlihiisa muhiimka ah sida, Kobcinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo La dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si joogto ah u taageeraan hawlgalka, iyagoo bixinaya taageero dhaqaale iyo mid farsamo, si loo xaqiijiyo guul buuxda iyo kala wareeg amni oo lagu kalsoonaan karo.

Hadalka Wasiirka ayaa daba socota shir muhiim ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku shir guddoomiyay magaalada Goba ee dalka Itoobiya, laba maalmood ka hor, Shirkaasi wuxuu diiradda saaray sidii loo heli lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageero hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).