11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo Cambaareysay weerarkii Israel ku qaaday magaalada Doxa

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, September 11, 2025 (HOL) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarka gardarrada ah ee ay dawladda Israa’iil ku qaaday Dawladda Qatar, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Doha.

Goluhu wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana si buuxda u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Waxaa isasoo taraya Cambareeynta loojeedinayo Dowladda Israel tallaabadii ay ku duqeysay xafiiska ay Kooxda Xamaas ay ku leedahay magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar.

Waqti hore, Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Khaliijka, iyadoo la sheegay in ficilkan uu yahay ku xadgudub baal marsan dhammaan heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ilaalinta rayidka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah u farageliyo oo uu qaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo joojiyo “falalka gardarrada ah”, loogana hortago in shacabka aan waxba galabsan ay noqdaan bartilmaameed colaadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo qadka telfoonka kula hadlay amiirka dalka Qatar ayaa carabka ku adkeeyey in xadgudubyada noocan oo kale ah ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaa’diida Axdiga Qaramada Midoobay, ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana ay wiiqayaan dadaallada nabadeed ee ka socda Bariga Dhexe.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay ku biirtay beesha caalamka oo ku baaqaysa in la muujiyo is-xakameyn, la ilaaliyo sharciga caalamiga ah, lana gaaro xabbad-joojin waarta oo xaqiijisa caddaalad, nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana-qaadda Bariga Dhexe.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).