11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Soomaaliya oo safka hore ka gashay dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ugu badan ee caruurta

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixinteeda sannadlaha ah ee ku saabsan carruurta iyo saamaynta colaadaha hubeysan, taas oo lagu sheegay in dalal ay ku jiraan Nayjeeriya, Soomaaliya, Qasa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Hayti ay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee ay ka dhacaan xadgudubyada carruurta ka dhan ka ah adduunka oo dhan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay warbixinta “arrin murugo leh” oo muujinaysa sida carruur badan loogu xadgudbo oo noloshooda loo burburiyo. Sanadkii 2024 oo kaliya waxaa si rasmi ah loo diiwaangeliyey xadgudubyo kumannaan carruur ah oo ay ku jiraan dil, afduub, kufsi, iyo ciidamayn qasab ah.

Intii u dhexeysay 2022 iyo 2023, waxaa la diiwaangeliyey in ka badan 6,000 oo weerar oo lagu qaaday dugsiyo, arday iyo macallimiin. Tani waxay ka dhigan tahay 44% in ay korodheen weerarada lala beegsado caruurta sannadkii hore, iyadoo goobaha waxbarashada si badheedh loo weeraro. Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in dugsiyada loo isticmaalo  ujeeddooyinka ciidan ay kordheen 20%.

Waxa la xaqiijiyey in in ka badan 10,000 oo arday sannadkii hore la dilay, la afduubay, la xidhay ama waxyeello soo gaadhay.  Warbixintu waxay tilmaantay dalalka xadgudubyada ugu badan laga diiwaangeliyey 2024. Dhulka Falastiin ee la haysto iyo Qasa ayaa ugu sarreeya tirada, iyadoo la xaqiijiyey 8,554 xadgudub. DRC ayaa laga diiwaangeliyey 4,043, Soomaaliya 2,568, Nayjeeriya 2,436, halka Hayti laga soo sheegay 2,269 kiis.

Waxaa sidoo kale kor u kacay xadgudubyada galmada, iyadoo kufsiga iyo rabshadaha la xidhiidha ay kordheen 34%. Carruur badan ayaa  dhibbanayaal u noqday afduub, ciidamayn qasab ah iyo kufsi. Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in carruur ka badan 3,000 la xidhay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta ayaa sidoo kale ka digay in shaqaalaha gargaarka bani’aadannimada ay wajahaan khataro sii kordhaya. Sanadkii 2024 waxa la laayay shaqaale badan oo caalami ah, taas oo muujinaysa heerka halista ee ka jirta goobaha colaadaha.

Hay’adda UNESCO iyo hay’addaha bahwadaagga la ah ayaa qorsheynaya kulan heer sare ah oo lagu qaban doono magaalada Geneva, kaas oo ku saabsan sidii tallaabo dhab ah looga qaadi lahaa badbaadinta goobaha waxbarashada carruurta.

Inkasta oo xaaladdu sii xumaanayso dalal badan, warbixintu waxay soo bandhigtay farriin rajo leh. In ka badan 16,500 carruur ah oo hore uga tirsanaa kooxo hubeysan ayaa helay taageero iyo barnaamijyo dib loogu dhexgelinayo bulshada sanadkii 2024. Tan iyo 2005, waxaa laga sii daayey kooxaha colaadaha ku lugta leh in ka badan 200,000 oo carruur ah, taas oo muujinaysa in dadaallada dib u dajinta caruurtu ay mirodhaleen.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).