Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu ka jawaabay dhaleeceyn uga timid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macali Fiqi, oo ka falceliyay xaflad lagu taageerayay biyo-xireenka Itoobiya oo lagu qabtay Garowe.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad awood u leh inay dammaanad qaaddo masiirka dalka, isgaoo sheegay Puntland in aysan cid kale u daba fadhiisan doonin arrimaheeda gudaha.
Wuxuu sheegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo uu ku jiro wasiir Fiqi, inay lasoo shaqeeyeen ururrada argagixisada sida Alshabaab, sidaas darteedna aanay xaq u lahayn inay ka hadlaan arrimaha Puntland.
Maalmo ka hor, Puntland waxay si cad uga hor timid nidaamka cusub ee fiisaha online-ka ee ay hirgelisay dowladda federaalka, kaas oo looga baahan yahay ajaanibta inay internet-ka si toos ah uga codsadaan fiisaha Soomaaliya.