11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Siyaasiyiin Soomaali ah oo ku guulaystay doorashooyinka Baarlamaanka Norway

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Norway ayaa taariikh ka dhigay doorashooyinka baarlamaanka dalkaas ka dib markii laba siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah loo doortay baarlamaanka, taasoo muujineysa korodhka matalaadda bulshooyinka qaxootiga iyo muhaajiriintu ku yeelanayaan golayaasha sharci dajinta ee waddamada Yurub.

Maryan Cabdi Xuseen, oo markii ugu horeysay kursiga baarlamaanka loo doortay sanadkii 2021, ayaa mar kale ku guuleysatay doorashada baarlamaanka. Maryan ayaa caan ku ah u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyada oo ka soo shaqeysay arrimaha bulshada ee magaalada Oslo muddo sanado ah ka hor intii aan loo dooran kursiga baarlamaanka.

Haashim Muxuyadiin Cabdi, oo isna ah 21-jir ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) oo ka soo jeeda gobolka Østfold, ayaa noqday Soomaaligii ugu da’da yara ee abid loo doorto Baarlamaanka Norway. Haashim, oo ah wiil uu dhalay aabo Soomaaliyeed oo qoxootinimo ku tagay Norway oo ku soo barbaaray Fredrikstad, ayaa ololihiisa siyaasadeed ku saleysay arrimaha dhalinyarada, waxbarashada iyo la-dagaalanka saboolnimada.

“Khatar jirta jirta waxa weeyaan in Østfold ay  noqotay xarunta saboolnimada iyo kala saraynta bulshada Norway, taas oo aniga igu dhacday. Waxaan rabaa in dhamaan caruurta ay noloshooda ku bilaabaan xaalad siman, iyadoon loo eegin meesha ay ku dhashaan ama xaaladda waalidkood” ayuu sheegay warbaahinta maxalliga ah ka dib guushiisa

Guushiisa ayaa lagu tilmaamay mid horumar u ah bulshada muhaajiriinta ah. Haashim wuxuu ku biiray ururka dhalinyarada ee Xisbiga Shaqaalaha isagoo 14-jir ah, waxaana ku dhiirrigeliyay aabihiis Muxiyadiin Cumar Cabdi, oo ahaa darawal taksi iyo xildhibaan ka tirsan dowlada hoose ee Fredrikstad, kaasoo uu ka bartay qiimaha is dhexgalka bulshada iyo caddaaladda.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in doorashadiisu ay muujineyso isbeddelka jiilka cusub ee siyaasadda Norway iyo saameynta sii kordheysa ee bulshada Soomaalida.

Sidoo kale, natiijooyinka hordhaca ah waxay xaqiijiyeen in Xisbiga Shaqaalaha uu sii hayn doono awoodda hoggaanka dalkaas, taasoo micnaheedu tahay in Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Støre uu sii wadi doono xilkiisa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).